“Waxaanu Maanta Diyaar U Nahay In Aanu Dhiig Cusub U Hurno Qaranimadda 23 Jirsatay” Guddoomiyaha UCID

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland inay iska kaashaddaan difaaca qaranimadda Somaliland.
 
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlay kulan ay xarunta Madaxtooyadda ay ku yeesheen Madaxweyne Siilaanyo, Madaxda saddexdda Xisbi qaran iyo Shirguddoonka Baarlamaanka, kuwaas oo sheegay in Xuduudaha Somaliland ay kuwo sugan.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Arrinta aan maanta isagu nimi waxa weeye waa arin muqadasa,waxa weeye difaaca qaranka,hadalka uu madaxweynahu yidhina waanu garab taaganahay hadanu nahay Xisbiga Cadaalada Iyo daryeelka UCID iyo Axsaabta kale-ba” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe
 
Waxa uu intaas ku daray “Waxa loo baahan-yahay fariin adag oo aanu u dirayno mujtamaca adduunka oo aanu leenahay hadaanu nahay umada reer Somaliland oo qaranimadeeda ilaa sadex iyo labaatan sano haysatay,waxaanu maantana aanu udiyaar nahay in aanu dhiig cusub u hurno, sidii loo hirgelin lahaa midnimada iyo gooni isu-taaga Somaliland,waxaanu leenahay dadka reer Somaliland ee halkaasi dagana hadalku idinka idin kuma socdo ee waxaa uu ku socdaa Cadawga Somaliland ee doonaya in ay maa mam Cusub samaystay ee doonaya in ay fidmadii Somaliya ay ka wadeen in ay Xagan u soo kaa xeeyaan markay ka soo jeesteen Somaliya ay Somaliland u soo jeestaan,horaan u sheegoo waxaan idhi anagu waxaanu leenahay dhabar lacuno ee laakiin ma lihin Shaf lacuno ee waanu soo jeesanaynaa”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.
 
 
 

 
Berbera news/Hargeysa.