Askari Boolis Ah Oo Magaaladda Hargeysa Ku Dhaawacay Laba Qof

Hargeysa (Berbera news) Askari Boliis ah oo ayaa Rasaasi ay kaga qaraxddayLabba Qof oo midina yahay Shacab midina yahay Askari la socday, Dhacdadan ayaa ka dhacday goordhawyed Badhtamaha Suuqa Magaalada Hargeysa gaar ahaan Kaalinta Shiidalka ee Cajab ee Magaaladda Hargeysa Horteeda.
 
Askariga Wax toogtay iyo Afar Askari oo kale oo la socday ayaa la sheegay in gaadhi wadada si khaldan u marayey oo la sheegay in uu wadada xidhay ayaa askartaasi waxay doonayeen in ay la hadlaaan si ay oo waddada uga saaran, balse Askari ka mid ah ayaa la sheegay in qorigiisa oo Amaanku Furnaa awadeed ay ka fakatay Rasaas aanu ogeyn in qoriga ay ku jirto, waxanay dhawacday askari la socday iyo dirawalkii gaadhiga shicibka watay.
 
 
Labbada Qof ayaa Haatan lagu daweynayaa Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, dhanka ciidamada Booliska ayaa baadhaya Sababta ka danberysay Khasaarahan.
 
 
Berbera news/Hargeysa