TALYAANIGA OO CIYAARTII INGIRIISKA KA DHIGAY RIKOODH KOOBKA ADDUUNKA UGU DAMBAYSAY MUDDO NUS QARNI AH

Xulka Talyaaniga ayaa ciyaarta Ingiriiska dhigay rikoodh cusub, kadib markii ciyaartoygii u ciyaarayay isku dhiibteen baasaskii saxda ahaa ee ugu badnaa taariikhda koobka adduunka tan iyo 1966-kii.

Laacibiinta Azzurri ayaa intii ciyaartu socotay bixiyay 602 baas, kuwaasoo 561 ka mid ah noqdeen baasas sax ah oo gaadhay halkii la rabay, taasoo ka dhigan in baasaskay isku dhiibteen 93.2% sax noqdeen.

Andrea Pirlo, ayaa ilaa hadda ah laacibka baasaska ugu badan ka bixiyay koobka adduunka, isagoo kulankii England oo keligay bixiyay 108 baas, halka De Rossi ka dhigay 99 baas, Gerrard-na 62 baas.

italy