Cusbitaal Ku Yaala Muqdisho Oo Qarax Lala Beegsadday Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho (Berbera news) Hal qof ayaa ku dhintay ugu yaraan lix kale-na way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Cisbitaalka Keysaney ee ku yaal waqooyiga magaalada Muqdisho.
 
Qaraxan ayaan weli war faah faahsan laga soo saarin, balse warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in loo adeegsaday gaari lagu rakibay bambaano.
 
Gaadhiga qaraxa lagu rakibay ayaa la sheegay inuu lahaa mid kamid ah dhakhaatiirta ka hawlgasha isbitaal Keysaney.
 Ilaa hadda ma caddda cida qaraxana ka danbaysa ama in weerarkan lala damacsanaa in lagu dilo dhakhtarka.
 
Cusbitaalka Keysaney ayaa kamid ah Cusbitaaladda magaalada Muqdisho ee in muddo ah soo shaqanayey, waxaana hore si siman loogu daawan- jiray dhamaan dadka ku dhaawacma dagaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Al Shabaab.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.