YAA DAYACAY ARIMAHA DIBADA

Tan iyo intii ay somaliland hana qaaday waxaa isku badalaayey maamulo kala gadisan maamuladaas oo midwaliba xooga saarayey sidii uu bahwaynta caalamka uga dhaadhicin lahaa waxa aynu ugu yeedhnay qaddiyada somaliland.
 
Somaliland waxa ay marwalba maamulka taagani ku dadaalaayey sidii uu u horumarin lahaa rabitaanka somaliland, islamarkaana uu aduunwaynaha uga kasban lahaa saaxiibo la jiibiya mikirifoonkana horqaada siday u gaadhsiiyaan inta kale.
Runtii intii ay somaliland jirtay waxa maamulkasta oo markaas u madaxbanaanaa inuu xukumo talada dalku uu sameeyey dadaal uu arintaa ku meel marinaayo.
Hadaba waxa kala duwanayd nidaamka uu midkastaa jeexday ee uu isaggu fikirkiisa siyaasadeed isleeyahay waxaad ku kasban doontaa saaxiibo badan oo kula fahma qaddiyada aad muddada badan ku hawlanayd inaad gaadhsiiyo dhago faro badan oo caalamka ku nool.
Ma aha wax fudud inaad ka dhaadhiciso dad aan haybtaada si fiican u saxaynin innay qaataan manaahij dhan oo adiga rabitaankaaga ah waa arrin u baahan dadaal badan iyo adkaysi aan loo kala hadhin.
Intii ay somaliland jirtay waxa soo maray isbadalo badan oo xaga siyaasada dabada ah oo marar maraysay heer aad u fiican mararka qaarna maraysay marxalado loo baahanyahay in wax badan laga bado sida ay wax u socdaan.
Xukuumadda hada taagan oo runtii qabatay dadaal aad u badan marka la eego dhinacyada bulshada haday noqoto xagga waxbarashada,caafimaadka iyo dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka oo runtii ay galiyeen tabac badan iyagoo kaashanaaya shacabkooda marwalba u heelan horumarka qaranka.
Inkastoo ay xukuumadu qabatay dadaaladaas oo dhan haddana dadka siyaasada u kuurgalaa waxay ay aad ugu dhaliilayeen tan iyo maalintii ay xukunka qabatay innay ku fashilmatay dhammaan siyaasadeheedii dibada oo aannay lahayn qorshayaal cad oo ku wajahan arimaha dibada.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan dhawr su’aalood oo ah
1: Ma xukuumadihii hore ayaan sees adagg u sii dhigin siyaasada arimaha dibada oo wax iyaga qabyo ka ahaa ayey ku canaananayaan xukuumadan hadda jirta.
2: Ma xukuumada ayaa ka gaabisay siyaasada arimaha dibada oo aan wakhti badan galin
3: Ma Isfahan waa ka dhacay iyada iyo beesha caalamka ayaa u sahli waayey innay firficoonaato siyaasada arimaha dibada ee xukuumadani.
4: Ma arimo rabitaankeena u fiicnayn oo ay xukuumaddihii hore ka aqbali jireen beesha caalamka ayey kuwani ka diideen oo taas ayaa keentay innay daciifto siyaasada arimaha dibadu.
5: Ma beesha caalamka ayaa wadata siyaasad ka duwan tan aynu inagu wadano oo la doonayaa in afka la innaga galiyo.
Su’aalahaas iyo qaar kaloo badan ayaa waxa ay ka guuxayaan maskaxda shacbi badan oo reer somaaliland ah marka la isku darana waxa ay jawaabtu noqonaysaa waar yaa dayacay arimihii dibada.
 
a.barawani10@gmail.com