Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Soo Gaba-gabaysay Dhagaysiga Dacwaddii Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf

Hargeysa (Berbera news) Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta soo gabogabaysay dhagaysiga eedihii loo haystay masuuliyiinta wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Wargeyskaasi Axmed Cali Cige, waxaanay maxkamadu u mudaysay ku dhawaaqista xukunka lagu ridayo masuuliyiintaasi Haatuf 24-ka bishan June.
 
Dhagaysigii maanta ee maxkamada ayaa waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin iyo dadweyne tiro badan kuwaas oo markii qarsoorihii dacwada qaadayey uu ku dhawaaqay inuu soo gabogabeeyey kiiskan ay ku eedaysan yihiin labaadi suxufi xili qareenadii u doodayey suxufiyiinta Haatuf ay dibada ka joogeen dhagaysiga dacwada ayaa ka marag kacay cadaalad daro baahsan oo ka muuqatay dhagaysiga dacwadan.
 
Jamaal Cali Xuseen oo ah musharaxa madaxweynaha xisbiga UCID iyo Xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo warbaahinta la hadlay kadib markii dhagaysiga dacwada Haatuf la soo gabogabeeyey ayaa sheegay in Xeer Ilaaliyaha gobolka Hargeysa Aadan Ismaacil Mire uu si badheedh ah ugu hanjabay Gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah eedaysanaha xadhiga sharcidarada ah lagula kacay ee maanta maxkamada la keenayo, inuu cagtiisa hoosteeda galin doono gudoomiyaha Haatuf.
 
Berbera news/Hargeysa.