Guddoomiyihii Garabka Haweenka Ee Xisbiga UCID Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa (Berbera news) Ciiddamo Boolis ah ayaa Xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Garabka Haweenka Xisbiga UCID ee Gobolka Maroodi-jeex Xaliimo Cismaan Raage.
 
Lama Oga ujeeddada loo xidhay Guddoomiyaha garabka haweenka UCID, hasa-yeeshee waxa la sheegay in boolisku ka qabtay goob ganacsi oo ay ku leedahay Magaalada Hargeysa, iyaga oo ku xidhay saldhigga dhexe ee booliska ee Magaalada Hargeysa.
 
Marwo Xaliimo, oo  ka mid ahayd dad faro badan oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa u tagay dhageysiga dacwadda loo haysto Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Maxkamadda la hor-geeyay, ayaa markii maxkamaddu dhamaatay ee laga soo dareeray ka dib ay ciidamo boolis ahi ugu tageen halka laga soo xidhay.
 
Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID, Yuusuf Kayse Cabdillaahi, oo ka hadlay xadhigga haweenaydan, ayaa cambaareeyay isla-markaana sheegay in xadhiggeedu yahay sharci daro.
 
Berbera news/Hargeysa.