Guul-darrada Talyaaniga oo u quus goysey Rajadii England

Cayaaro-(Berberanews_=Kooxda dalka Costa Rica kaga qybgaleysa tartamada ciyaaraha kooba adduunka ayaa guul la yaab leh gaaray kadib markii ay garaaceen Taliyaaniga, oo ay ku tumeen hal gool iyo waxba.

Guushaasi ayaa muujineysa in England ay bannaanka ka tahay tartamada oo aanay ka sii qeybgali doonin.

England oo labadeedii kullan ee ugu horeeyay laga badiyay waxay u baahneyd inay Italy badiso si ay usii noolaato, balse kubad uu soo laalay Diaz oo uu madaxa ku dhaliyay ciyaaryahan Bryan Ruiz ayaa Costa Rica u suurta gelisay inay halk gool iyo waxba ay kaga badiyaan Taliyaaniga.

Ciyaaryahanka Taliyaaniga ee Mario Balotelli ayaa kooxdiisa ka qasaariyay fursad aad muhiim u ahayd si xittaa ay barbardhac u galaan.

Costa Rica, ayaa hadda hubsatay inay u gudubtay weraagga 16 ka koox si ay u sii adkeysato loolankeeda ay ku raadineyso helidda koobka.

Baloteli oo isku deyaaya inuu gool dhaliyo

Goolka laga dhaliyay kooxda Taliyaaniga

Halka gool ee Taliyaaniga looga badiyay oo madaxa lagu dhaliyay

Baloteli oo farsad uga ciyaaray Taliyaaniga