Ingiriiska oo muujiyay ujeedad baaqii beesha caalamku ka soo saaray Gobollada Sool iyo Sanaag

Hargeysa (Jam)- Dawladda Ingiriiska, ayaa caddaysay ujeeddada ka dambaysay baaq ay si wadajir ah ula soo saareen Maraykanka iyo Midowga Yurub toddobaadkan oo ay ugu soo jeediyeen Somaliland inay ciidankeeda qaranka kala baxdo gobollada Sool iyo Sanaag oo ay sheegeen in lagu muransan yahay.

IMG_0037

Safiir ku-xigeenka Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Mr. Chris Allen oo booqasho ku yimi Hargeysa shalay, ayaa ka garaabay cabasho dawladda Somaliland ka muujisay baaqaas dawladdiisu qaybta ka ahayd, isagoo xusay in aanay jirin cid ay si gaar ah garab u siiyeen ee ujeeddadoodu ku kooban tahay ilaalinta nabadgalyada iyo xasilloonida gobolka.

“Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadduba waxay caddeeyeen sida Somaliland ay uga go’an tahay nabadgalyada iyo xasilloonida gobolka. Waxay walaac ka muujiyeen baaqii ka yimi bulshada caalamka meelmihii iyo toddobaadadii u dambeeyey, annaguna waxaannu u xaqiijinnay in ujeeddadayadu tahay uun nabadda iyo xasilloonida ee aanay ahayn in aannu kala raacno dhinacyada muranka siyaasadeed u dhexeeyo,” ayuu yidhi Mr. Chris Allen oo warbaahinta la hadlayey kadib markii uu dhammaaday kulan Madaxweyne Siilaanyo ku dhexmaray xafiiskiisa Madaxtooyada Somaliland.

IMG_0045

Waxa kale oo safiir-ku-xigeenku ka warramay waxyaabaha ay ka wadahadleen Madaxweynaha Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxaannu ka wadahadalnay Madaxweynaha qaar ka mid ah danaha guud ee innaga dhexeeya. Waxaannu isla soo qaadnay muhiimadda nabadda iyo xasilloonida gobolku u leeyihiin beesha caalamka oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Somaliland, iyadoo awalba ay ka jireen qalalaase badan.”

“Waxaynnu ognahay in Ingiriiska, Somaliland iyo guud ahaan beesha caalamkaba inay aamisan yihiin xalka murannada lagu gaadhi karo wadahadal ee aanay ahayn in loo maro xoog millatari,” ayuu hadalkiisa raaciyey Chris Allen.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay arrimaha ay kala hadleen safiir-ku-xigeenka Ingiriiska, waxaannu yidhi, “Waxaannu u sheegnay in Somaliland tahay ummad nabad jecel oo soo dhawaynaysa inay caalamka ka mid noqoto, gooni-isu-taageeduna muqadas yahay, xuduudaheeduna caan yihiin oo la yaqaano, haddii ay Ingiriiska yihiina iyagu ay yihiin kuwii xuduudaha dhigay oo ay aad u yaqaanaan. Somaliland aanay marnaba ogolaanayn oo aanay cidna ka aqbalayn in meelo la isku haystaa jiraan, mana jiraan. Tagista Somaliland ee Taleex waxay ahayd dad doonayey inay shirka ku qabtaan ee qalalaasaha wada inay kala erido, taana waanu ku guulaysanay, dadkii degaankuna aad bay noo soo dhaweeyeen, waa dadkayagii oo iyagaa noo yeedhay oo na soo dhaweeyey, Somaliland waxay doonaysaa inay dawladnimada gaadhsiiso meel kasta oo ka mid ah.”

IMG_0068

Wasiirku waxa uu sheegay in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland iyo Ingiriiska, isla markaana ay labada dawladood ka wada shaqeeyaan arrimo badan oo ku saabsan dhinacyada nabadda iyo horumarka, “Haseyeeshee, waxaannu u sheegnay Ingiriiska in dawladda Somaliland xil ka saaran yahay inay xuduudaheeda iyo nabadgalyadeeda sugto, in xil ka saaran yahay dadkeeda meel kasta oo ay joogaan. Waxaannu jecelnahay in aannu caalamka u sheegno, gaar ahaan labada dhinac ee kale (Maraykanka iyo Midowga Yurub) markaanu magaalada Nairobi kula kulanno in annagu wanaag aannu wadno oo aanay waxba ka jirin in aannu nahay dad soo duulay, ujeeddadayadu waa nabad iyo jaararka oo aannu wanaag ku wada noolaano, laakiin masuuliyadda nabagalyada dadka reer Somaliland waa mid na saaran oo cidna looga dabo fadhiisanmaayo,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Waxa kaloo uu sheegay inuu Safiir-ku-xigeenku uga garaabay baaqii ay soo saareen, “Waxaannu u sheegnay in aannu ka xunnahay kelmadaha ka soo baxay Ingiriiska, Maraykanka iyo Midowga Yurub oo khalkhal gelin kara wax aan jirin, waanay naga garowsadeen,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiir Biixi.