Kenya oo dadka ciyaaraha jecel ka codsatay inay guryahooda ku daawadaan

Kenya-Dowladda Kenya ayaa ka codsatay dadka jecel cayaaraha Koobka Adduunka inay ka daawadaan guryahooda.

Waxay uga digtay in cayaaraha adduunka ay ka daawadaan “goobaha ay dadku ku badan yihiin ee furan”.

Hadalkan ayaa imaanaya maalmo kaddib markii ay weerarro ka dhaceen gobolka xeebta ay ku dhinteen ugu yaraan 60 ruux.

Weerarka ayaa ka billawday magaalada Mpeketoni, iyadoo dadku ay koobka adduunka daawanayeen.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in in kastoo ammaanka la sugay, haddana looga baahan yahay dadka leh goobaha laga daawado koobka adduunka inay taxadar muujiyaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay gaysteen weerarka ka dhacay Mpeketoni, balse madaxweynaha Kenya ayaa arrintan ku eedeeyay “siyaasiyiin maxalli ah”

Dalka Kenya waxaa ka dhacay weerarro is daba joog ah tan iyo markii ciidanka Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya dabayaaqadii 2011-ka.

kk

BBC