Lama filaan! sheeko dareen xanbaarsan. Qormadii 2aad. Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme

Markaan soo gaadhay gurigayagii anoon cashayn oon weli salka dhigin ayaan lasoo baxay mobilkaygi gacanta, lambarka Hana waxaan ku xafiday qalbiga markiiba waxaan qoray tiradii lambarka, waxaan raagsanayay oo aan sugi kari la’aa intay qabanayso mobilka.” hallo Hana waa malxiiski arooska ee aad hada kala dhaqaaqdeen ma nabad tagtay gurigi walal. “Intay qososhay ayay I tidhi haa malxiis waan gaadhay gurigii waxaan hada u diyaargaroobayay inaan seexdo”. Kaftan iyo haasawe debecsan ayaanu isku harqinay.sheekadayadu waxay ku saabsanayd inta badan hab-maamuuski arooska aanu malxiiska iyo malxiisada u ahayn.

Intaanu wada hadlaynay habeenka waxaanu isu fahanay si qotodheer oo kalsooni iyo kalgacal ku abuurmi karo, waxaanu is la meel dhignay inaanu sheeko wadaag noqono oo xidhiidh jacayl na dhexmaro.habeenka aadban u faraxsanaa wuxuu ahaa habeen xasuus maguurta ah igu reebay oo ilaa hada aan xasuusnahay. Habeenka hurdo indhaha isuma keenin sidaan kolba u xasuusanaayay dareenkii xafladda arooska. Markaan indhaha is geliyaba waxa lay horkeenayay Hana. qalbigana waxa u sawirmayay muuqeedi muraayada ahaa ee dhaayaha kaalaso baxayay, dhegaha waxa kasii guuxayay codkeedi debecsanaa ee maanka dhayaay.

Waaberigii markay soo baxday qoraxda nuurka badani ee aan kacay waxaan halabsaday mobilkii oo I baalyalay intaanan quraacan ee anaan hawlkale qaban waxaan wacay Hana, iimay jawaabin waxaan niyada iska idhi weli malaha way daalantay oo may kicine maad fariin u dhigtida oo aad u qortid Message, markaan saddex layn qoraba waxaan is idhaa maad cabirin dareenkagii ee waxab dhiman hadana waan ku noqdaa, si la ii hayaba garanwayay dareen anaan cabiri Karin oo xiise ka balaadhan ayaan la xaribayay, welise umasoo bandhigin oo ilama oga Hani, anoo dhex mushaaxaya badwayn anan weligay gelin ayaan u diraya fariintan.

Ilaa barashadii xalay

Biimaan ahaayoo

Boholyow jacaylbaa

Si yar iigu baahoo

Besatybaan hanaay ahay.

 

Markii ay toostay ee ay aragtay fariintaan usoo diray ayay isoo wacday Hani,”subax wanaagsan Maxamed markaan indhaha kala qaaday waxaan ku waaberiistay fariintaad iiso dirtay, runtii aadbay isoo jiidatay naftaydana u xiisa gelisay,waxaan diyaar u ahay inana kula gardaadiyo jacaylka oo aan baashada taagnaado, beerta jacaylka ee bilawga ahna kula waarbiyo” kelmadahaas markay dhegahaygu maqleen ayaa layga sar go’ay oo aan dareemay farxad aan xadlahayn, waxa igasoo bixiwayay hadalkii sidii qof haga-hago leh ayaan kolba kelmad haabtay hadana ku dhawaaqi kariwaayay, “ hallo may maqlaysa walal” waxaan isla maqnaa cabaar anoo farxad is hayn kari la’a ayaan ku idhi” aadbad u mahadsantahay Hana naftaydu waxay diyaar u tahay inay kula wadaagto nolosha qadhaadh iyo macaan, mustaqbalka inaan wadaagno oo aynu noqono lammane lagusoo hirto. Waxaan kuguso dhawaynayaa kalsan iyo kalgcal aan salguurayn”. Hawraarsan iyo nabdaado ayaanu ku kala tagnay, midba midka kale ayuuu ku yidhi waan kulsoo hadlayaa iyo waan ku sugayaa.

Waxay ii hanaysay qalbigeeda, anna waxaan u hibeeyay naftayda, waa jacayl curdina oo xiiso iyo xamaasad badan, kulano isbarsho ayaa na dhex maray, midkaayaba midka kale wuxuu u qadarinaya si mugle. Waxa nagu abuurmay oo qalbiyadu is dhaafsadeen kalgacal aan waxaba laysu hanbayn oo gaadhay ilaa dhuuxiyo lafahaa. Wanaag iyo walalnimo aan waxba la kala lahayn ayaanu ku midownay, wacad iyo wadar inaanu ahaano ayaanu ku nidar galay.

. La soco…..