Muuse Biixi oo ka tanaasulay damacii Silaanyo kala fogeeyay

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo hore u sheegay inuu yahay Musharrax u taagan jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbigaas doorashooyinka soo socda, isla markaana ay taasi dhalisay khilaaf culus oo laba garab u qaybiyey KULMIYE markii Madaxweynuhu ka soo horjeestay, ayaa la sheegay inuu caawa ka tanaasulay Musharraxnimadiisii, ka dib markii ay caawa kulan wada yeesheen Madaxweyne Siilaanyo.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada iyo Muuse Biixi toona, hase-yeeshee, sida ilo wareedyo u dhuun daloola  labada dhinac aanu ka haelay, Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa Madaxtooyada ku wada yeeshay kulan gaar ah oo ay ku weheliyeen sida la sheegay Ganacsato ka soo jeeda Beesha Guddoomiye Muuse (Habar-awal), wadahadal iyo wax is-tusaalayn ka dib, waxa la sheegay in Muuse Madaxweynaha u sheegay inuu uga tanaasulay Musharraxnimadii Xisbiga gudihiisa ee jagada Madaxweyne-nimo.

Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo oo khilaafka u dhexeeyey ee labada Garab ee ay kala hoggaaminayeen ee Xisbiga KULMIYE meel sare gaadhay toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa toddobaadkii hore Guddi Guurtidu u saartay ka soo saareen dhawr qodob oo ay ku dhex-dhexaadiyeen dhinacyada Xisbigu u qaybsamay, kuwaasoo loo arkayey inay dhinaca Madaxweynaha u xagliyeen, balse dhinaca Muuse waxa ugu jiray keliya ahayd in la siidaayo dadka loo xidhxidhay khilaafka KULMIYE iyo taageeridda Muuse Biixi.