“Ninka La Reebay Ee Laablaabtay Waa Aniga, Taana Waan Qaatay” Muuse Biixi

Hargeysa (Berbera news) Gudoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay inuu ka taanaasulay Musharaxnimaddii Madaxtinimadda ee Xisbiga KULMIYE oo uu hore u shaaciyay.
 
Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Xisbiga ee magaalada Hargay, waxana hadaladiisii ka mid ahaa
 
“Hadii tartan uu dhaco cidbaa adkaata cidna waa la reebaa cidna waa ay soo baxdaa KULMIYE Murashax qudha ayuun buu yeelanayaa sida Xisbiyada kale oo dhanba malaha qoladiina kubada taqaana Spain oo xalay koobka eegaysay-ba waa laga laga saaray Saaxada way iska laalabatay England oo Ciyaaraha u soo aas aastayna waa ay iska laab laabatay marki Kulmiye iyo Odayaashiisii iyo dadka”
 
Guddomiyaha oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Xoogiisiba ay u cadeeyeen ninka la reebay ee laablaabtay waa aniga taana waan qaatay ninka murashaxnimada loo daayey ee Murashax noqdayna waa madaxweynaha waa ciyaar game ah oo siyaasada Kubada iyo noloshuba ay leedahay”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi