Wasiir Samaale Oo Ka Hadlay Musharaxnimadda Uu Muuse Biixi Uga Tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay inuu u mahad-naqayo dadkii ka qayb-qaatay tanaasulka uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uga tanaasulay Musharaxnimadda Xisbiga KULMIYE Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiir Samaale waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Bogga uu ku leeyahay barta ay Bulshaddu ku wadda-xidhiidho ee Facebook, waxaana uu qoraalkiisaasi u dhignaa sidan:-
 
“Waa wax ILAAHAY loogu mahadiyo waxay Somaliland ku soo Caano maashay isu-Tanaasul iyo wadda Tashi taas oo ugu dambayntii sababtay in Gudoomiye Muuse uu aqbalay Talooyinkii umadda reer Somaliland u soo jeediyeen oo u u Tanaasulay In Madaxwaynahu noqdo Musharaxa Xisbiga Taladda Dalka haya ee Kulmiye Shanta sano ee soo socda.
Waxaan u Mahadcelinayaa dhamaan dadkii ka qayb-qaatay dhamaystirka Arinkan waxaanan u rajaynayaa Madaxwaynaha dalku inuu noqdo kii dalkan u horseeda Barwaaqo. Horumar. Iyo Ictiraaf laga helo beesha caalamka” ,
Wasiirka W Maaliyadda
Abdiasis M Samaale “
 
 
Berbera news/Hargeysa.