Daawo: Xukuumadda Oo Shaacisay In Dalka La Keenay Baasaboor Casri Ah (E Passport)

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay soo-saartay Basaboor cusub oo ah nooca loo yaqaano Elactironiga, waxaanu xusay in Basaboorkan ay Muwaadiniinta u dhashay Somalinand ay ugu safri-karaan Dalka Jabuuti iyo Waddamo kale.
 
Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay kulan ay Maanta Golaha Guurtiddu Warbixin kaga dhagaysatay ayaa waxa uu sheegay in sanadkan guddihiisa ay Muwaadiniinta Somliland ay ku tagi-karaan Xajka
 
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Yuusuf Cali ayaa dabayaaqaddii sanadkii hore sheegay in Somaliland soosaari-doonto Baasaboor ka duwan kan ay hadda Muwaadiniinteeddu isticmaalaan.
 
 
Halkan Ka Daaw.

 
 
 
Berbera news/Hargeysa