Muuse Biixi: Shalay Iyo Maanta Shaacintii Hankiisii Siyaasadeedd, Eedihii Uu Madaxweynaha U Jeediyay Iyo Tanaasulka Maanta

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa badhtamihii bishii April ee Sanadkan waxa uu shaaciyay inuu u taagan-yahay Musharaxnimadda Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE, waxaana arrintaasi ka dhashay khilaafkii labadda Garab u kala qaybiyay Xisbiga KULMIYE ee uu Garab Hogaaminayay, halka Garab ka kale-na uu Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayay.
 
Labaddii Garab ee xiligii la soo dhaafay uu Xisbiga KULMIYE u kala qaybsamay ayaa waxay Warbaahinta isku-mariyeen weedho ay ku kala sheeganayaan inay ku taagan-yihiin Sharciyadda Xisbiga, waxaana markii uu khilaafkaasi uu sii xoogaystay Ergo ka gashay Golaha Guurtidda oo ka soo saaray Qodobo ay sheegeen inay xal u noqdeen Khilaafkaasi.
 
Muuse Biixi oo 2-dii June 2014 Garabkii uu markaasi uu hogaaminayay kulan ay la yeesheen Ergaddii Golaha Guurtidda oo Warbaahinta uu la hadlay waxa uu eedo u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, isaga oo ku eedeeyay in Madaxweynuhu awoodd Dawladdeed u adeegsadday cabudhinta Xubno Taageerayay iyo kuwo sitay Boodhadh ay ku xaridhan-yihiin Sawiraddiisa.
 
Tanaasulkii Shalay ee Guddoomiye Muuse Biixi waxa aan soo dhaweyn Siyaasiyiintii iyo Taageerayaashii uu hantiyay xiligii uu shaaciyay hankiisa Siyaasadeed.
 
 
Halkan Ka Daawo Eedihii uu Muuse Biixi Madaxweynaha u Jeediyay iyo weedhihii uu ku Tiiraabayay Maalmahaasi.
http://youtu.be/WeqbVZlvqMM
 
 
Halkan-na Ka Daawo Shirkii Jaraa’id ee uu ku sheegay inuu Madaxweynaha uga Tanaasulay Musharaxnimadda.
 
http://youtu.be/rPXG9hZj1ks
 
 
Berbera news/Hargeysa.