Wasiir Samaale Oo Qoraal Uu Hore U Baahiyey Ku Tilmaamay In Laga Been-abuurtay

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa qoraal uu shalay ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook-ga oo uu kaga hadlayay aragtiddiisa ku aadan Musharaxnimadda uu Muuse Biixi Madaxweyne Siilaanyo uga Tanaasulay, kaas oo uu ku tilmaamay mid laga been-abuurtay oo aanu isagu qoron.
 
Wasiir Samaale hadalka uu ku beeninayo qoraalkiisaasi hore waxa uu u dhiganaa sidan:-
“Warkaasi waxba kama jiraan waa Been abuur, mana aha markii koowaad ee la iga been abuuro. Waxaan kuu sheegayaa in aanay jirin bar aan Internertka ku leeyahay Cabdicasiis ahaan, waan maqlaa oo way igu soo noq noqotay in ay jiraan dad magacayga ka been abuurta oo Internet-ka isticmaala, laakiin warkaasi ma aha mid jira oo sax ah.” Ayuu yidhi Wasiir Samaale
 
 
Berbera news/Hargeysa.