Aqlabiyadda Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley Oo Kalsoonidii Kala Noqday Maayarka Iyo Ku Xigeenkiisa

Hargeysa (Berbera news )Xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Dagmada Gabiilay ayaa Shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada hargaysa ku cadeeyay in xasaanadii kala noqdeen moyarka Dagamada gabiilay iyo ku xigeenkiisa.
Mudanayaashani waxa ay shegeen inuu moyarku gudan waayay shaqadii uu u hayay dagmadaasi,isla markaas uu lasoo saftay dhinac
 
Sidoo kale waxa ay cadeyeen in golaha degaanka ee dagmada gabiilay maalinta arbacada ah fadhi ay ku yeelan doonaan Xarunta dawlada hoose xilka kaga xayuubin doonaan moyarka iyo ku xigeenkiisa.
“Waxaanu Waraaq Usoo gudbinay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha oo aanu ku cod sanaynay inaanu iskugu nimaadno fadhi aan caadi ahayn isla markaasna aanu xilka kaga qaadno moyarka iyo ku xigeenkiisa,markii lagu soo edeeyay shaqo gudasho la,aan baahsan,waxa uu wasiirka arrimaha gudahu noogu jawaaba waxaan idiinku yeedhayaa wasiirada kasoo jeeda beeshiina si ay idiin dhex dhexaadiyaan,Markaas anagu waxaan go’aan sanay inaanu xasaanada kala noqona moyarka iyo ku xigeenkiisa 14 kayagaas xildhibaan kala noqona kalsoonidii”
 
Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Anaga waxa nalagu soo doortay codkii bulshada ku nool gobolka Gabiley,waxaanan Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Cod Dheer ugu sheegaynaa inaanay bulshadu doonayna cid u dhaxaysa Xukuumada iyo degmada Gabiley,waxa jiray laba miisaaniyadood oo xukuumadu ugu talo gashay gobolka gabiilay oo aan hal rinji ah laga marin oo rag kale afka u dhigteen,cagafta aanu haysano waa dayn,qalab aanu ku shaqayno mahayno,damdamiskii kali ahaa ee meesha yaalayna ragii lahaa ayaa doonaya.
Dhinac kale Xildhibaan Cali Axmed Yuusuf oo isna kulan kaasi ka hadlay ayaa cadeeyay in kalsoonidii kala noqdeen moyarka iyo ku xigeenkiisa isla markaasna ay arbacda Xilka ka qaadi doonaan iyaga oo xilka qaadistiisana ku sifeeyay shaqo gudasho la’aan waxaana uu yidhi”
 
“Anagu waxaanu nahay Xildhibaano Sharci ah oo laga soo doortay golaha deegaanka ee magaalada gabiilay,Markaas hadii sharcigii la ixtiraami waayo isla markaasna la xeeri maayo waxa kala danbayn ah oo jiraysaana majirto,Xogta maanta gabiilay talaana waxa weeyaan,inaanu unimi guddoomiyaha baanka oo aanu ku nidhi xildhibaankaas cadilan ee ilmihiisa xanuun sanayo lacag soo sii waxa uu noogu jawaabay saddex bilood amaah Ayaan ku bixiyay baankina waa faaruq,Moyarkuna waa nin ay dawladu wadato oo danaha dawlada fuliya.
 
Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi oo Iyana halkaasi ka hadashay ayaa daaha ka rogtay Duruufaha dul hoganaya Gobolkii Gabiilay,Faah-Faahina ka bixisay sababa ku kaliftay in ay xilka ka qadaan moyarka iyo ku xigeenkisa waxaana ay tidhi”
“Maanta waxa uu shirkani daaran yahay inaanu si xasilooni ah xilkii uga qaadno Mayarkii dagmada Gabiley iyo ku xigeenkiisa,Markii horena anaga ayaa gacan tayada ku dooranay imikana anaga ayaa kala noqonay kal soonidii,Madaama oo uu dadkii iyo shacabkii aanu u dhaaranay gudi waayay waajibaadkii ay usoo doorteen.”
 
 
Berbera news/Hargeysa