Daawo: Xildhibaano Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Sheegay Inay Kalsooniddii Ay Kala Noqdeen Maayarka Iyo Ku Xigeenka

Harageysa (Berbera news) Xildhibaanaddan oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay Kalsoonidii ay kala laabteen Duqa Degmada Gabiley Shacayb Maxamed Muuse iyo ku xigeenkiisa, waxaanay xuseen in Arbacadda Todobaadkan ay yeelanayaan fadhi ay ku dooraynayaan Hoggaanka cusub oo uu yeelan-doono Golaha Deegaanka Degmadda Gabiley.
 
Xildhibaanaddan ayaa waxa kale oo ay sheegeen in Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde ay u gudbiyeen Qoraal ay ku dalbanayaan kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay xilka kaga qaadan Duqa Degmadda Gabiley, kaas oo ay sheegaan in aanu wasiirku fulin.
 
Maalmihii u dambeeyay ayaa Xildhiaabaddani ay wadeen mooshin ay doonayaan inay xilka kaga qaadaan Duqa Degmadda Gabiley iyo ku xigeenkiisa.
 
 
 Halkan Ka Daawo.


 
 
Berbera news/Hargeysa.