Xukuumadda Dalka Jabuuti U Gudbisay Saddex Qof Oo Lala Xidhiidhinayo Qarixii Ka Dhacay Jabuuti

Hargeysa (BerberaXukuumadda Somaliland ayaa shalay Dalka Jabuuti ku wareejisay saddex qof oo lala xidhiidhinayey Qaraxii Dalkaasi ay ka fuliyeen laba qof oo Alshabaab ka tirsanaa oo ka talaabay xuduudka Somaliland.
Saddexda qof ayaa shalay laga dhoofiyey madaarka Hargeysa, waxaana lagu wareejiyey saraakiisha Amniga Dalka Jabuuti, kuwaas oo shalay subaxnimadii Madaarka Hargeysa ku yimi mid ka mid ah Diyaaradaha Dalkaasi.
Xukuumadda Somaliland iyo Dalka Jabuuti waxay hawshan u fuliyeen si Qarsoodi ah, wallow masuuliyiinta labada Dalba hore u sheegeen inay iska kaashan doonaan baadhitaanka dadkii ka danbeeyey Qaraxii Jabuuti.
Dadkan ay Somaliland u gacan galisay Dalka Jabuuti waxa laga qab qabtay Hargeysa, waxaana la filayaa inuu ku jiro nin ka shaqayn jiray xawaaladda JUBBA, iyo laba nin oo kale oo aan wali shaaca laga qaadin.
Ilo wareedyo muhiim ah oo goob joog u ahaa markii ciidamadda Jabuuti lagu wareejinayey saddexda qof, kuwaasoo ay la kala wareegeen saraakiisha dhinaca Amnigu.
Saddexda qof ayaa markii diyaarada la saarayey ku shaqlanaa dharka qafilan ee madaxa loo galiyo dadka loo qabto arrimaha Argagixisnimada, waxana adkayd in la aqoonsado wajiyadooda.
Warar dheeraad ah oo aanu ka helnay arrintan ayaa sheegaya in uu jiro qof afraad oo u xidhan isla arrintan, kaasoo Dood adagi shalay ku dhex martay labada Ciidan sababta loogu soo dari waayey.
Lama oga illaa hada sababta dhabta ah ee ninkan looga tagay, hase yeeshee xogaha laga helayo ayaa sheegaya in uu yahay xubin xil ka haya Xisbiga Kulmiye.
Dhinaca kalena, wararka la xidhiidh kiisan ayaa sheegaya in nin loo tuhunsan yahay inuu farsameeyo waxyaabaha Qarxa uu ka baxsaday ciidamada Booliiska, kaasoo galay buuraha Gobolka Awdal.
 
Dad badan ayaa isweydiinaya sababta Somaliland ugu wareejisay Dalka Jabuuti muwaadiniin Dalkeeda u dhashay oo loo haysto kiiska Qaraxii Jabuuti, waxaanay ku doodayaan inay ahayd in lagu Maxkamaddeeyo Dalka.
 
Si kasta ha ahaatee, weerarkii Jabuuti lgu qaaday iyo kuwo loo wadaya Dalka Itoobiya oo fashilmay ayaa Somaliland lugu weyn ku yeeshay, waxaanay sababeen dareenada ka soo baxay maritaankoodii Somaliland in ay dalalka jaarku u xidheen xuduudahooda.
Berbera news/Hargeysa