Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Dib U Dhigay Shirkii Golaha Dhexe Iyo Khilaaf Mar Kale Curtay

Hargeysa (Berbera news) Wararka aanu ka helayno ilo kala duwan ayaa sheegaya in uu markale soo kala dhexgalay khilaaf ku aadan Xisbiga Kulmiye ,khilaafkan ayaa waxa sababay kadib markii Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Ku amray inuu Iskugu yeedho Dhamaan xubnaha Xisbiga Kulmiye isla markaan ay iskugu yimaadaan shir,kaasi oo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdina Ku gacan saydhay soo jeedintaasi Ka timid Madaxwayne Axmed Siilaanyo.
 
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii is fahan waagu dhexmaray madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa Ay Madaxtooyadu La Hadashay Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo Ka Mid ahaa ganacsatadii soo afjaray khilaafkiii mudada dheer soo jiitamayay isagoo wakhtigaasi ku sugnaa Madaarka Caasimada Hargaysa oo uu Safar dibada ugu baxayay,kaasi oo Kala indheeryay Xubnaha khilaafka Kulmiye.
 
Ganacsade Maxamed Aw siciid ayaa xukuumada ku wargalisay khilaafkaasi waxa uu sheegay in hada uu safar dibada uu u baxayo ,hadana ku sugan yahay Madaarka Caasimada hargaysa laakin uu xalin doono Marka uu safarkaasi oo muddo gaaban ah uu ka soo noqdo uu xalkeeda gali doono.
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in Muuse Biixi shirkaasi laga dalbaday la doonayay in xilka Lagaga qaadi doono isla markaan ay ugu hanjabeen Xubno xisbiga ka tirsan kana mid ah xildhibaanada .
Arinkan ayaa waxa dabada ka riixaya Koox Xildhibaano iyo wasiiro iskugu jirta oo ku sugan Madaxtooyada Somaliland.
Geesta kale Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE ayaa soo-saaray Warsaxafadeed uu ku sheegayo in dib loo dhigay shirkii Golaha dhexe, kaas oo u dhignaa sidan:-
Ku: Dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe
Og: Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeeddo:- War-gelin
 
 
Shir uu isugu yeedhay maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/06/2014 Madaxweynaha JSL Xubnaha Hogaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku eekayd maanta oo ah 24/06/2014 dib loo dhigo muddada lagu jiro bisha Ramadaan.
 
Sidaas darteed, Xubnaha hogaanka oo ku joogay intooda badan (Majority) waxay ka aqbaleen Madaxweynaha codsigaa isaga ah.
 
Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loogu dhigo illaa inta lagu guddo jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014
 
 
 
 
 
Allaa Mahad Leh
Xasan Siciid Yuusuf.