Ingiriiska Oo Dalkiisa Ka Joojiyay Cunista Iyo Ka Gacnsiga Qaadka

Hargeysa (Berbera news) Dalka Britain oo dhan ayaa si rasmi ah uga dhaqan-galay mamnuucidda jaadka ama joojintiisa, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay oo dalkaas laga joojiyo ganacsiga iyo cunista jaadka.
 
Go’aankan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay bulshooyinka ku nool UK, gaar ahaan kuwa ay ehelladoodu cunaana jaadka, waxaana qofkii soo geliya dalkaas Jaad uu mudan doona xabsi ugu yaraan 10-sano ah.
 
Xukuumadda Britain ayaa ku tilmaantay qaadka daroogo khatar ah, waxaana ay u sheegeen warbaahinta mas’uuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo go’aanka dowladda uu ku yimid sidii loo ilaalin lahaa caafimaadka iyo nolosha bulshadeeda.
 
“Qofkii lagu helo isagoo jaad soo gelinaya UK wuxuu mudan karaa xabsi ugu yaraan 14-sano ah, qofkii lagu helo isagoo cunaya marka hore waa loo digayaa, haddii mar labaad lagu arko 60 Pound oo lacagta Ingiriiska ah ayaa lagu ganaaxayaa, marka saddexaadna wuxuu mudan karaa xabsi ugu yaraan laba sano ah, “ ayuu sheegay Abuukar Cawaale oo ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee billaabay ololaha ah in UK laga joojiyo jaadka.
 
Cawaale oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in go’aankan joojinta jaadka uu arrin wanaagsan u yahay Soomaalida ka ganacsatada jaadka iyo kuwa cuna, isagoo sheegay in qof walba uu ogaan doono faa’iidada go’aankan marka uu bilo joogo.
 
“Dal jaad laga joojiyay dadkiisu inay ka raystaan mooyeen uma darasadaan, waan soo dhaweynaynaa in Soomaalida oo dhibaato badan uu ku hayay qaadka Britain oo dhan laga joojiyo,” ayuu yidhi Cawaale oo sheegay in 14-qof ay u dhinteen xanuuno kala duwan oo uu ku sababay jaadka.
 
Ra’iisu wasaaraha Britain David Cameron ayaa dhankiisa sheegay in Somali badan oo ku nool Britain ay weydiisteen in jaadka wax laga qabto, kaasoo aan aragnay buu yiri inuu dhibaato ku hayo bulshada Soomaaliyeed ee Britain ku nool.
 
Ingiriiska ayaa noqonaya dalkii ugu dambeeyay ee ku yaalla Qaaradda Yurub oo laga joojiyo ka ganacsiga iyo isticmaalka jaadka, iyadoo horay ay sidan oo kale u joojisay jaadka dowladda Holland oo muddo dalkeeda la geynayay.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.