Muuse Biixi Oo Ku Hanjabay Inuu Is-casilayo Iyo Ismaandhaaf Mar Kale Dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Warar ay heshay Shabakadda Berbera news ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi sheegay inuu iscasilayo, ka dib ismaandhaaf mar kale soo kala dhex-galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, khilaafkaasi oo la sheegay inuu salka ku hayo ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo uu Guddoomiye Muuse Biixi ku amray inuu Iskugu yeedho Dhamaan xubnaha Xisbiga Kulmiye isla markaan ay iskugu yimaadaan shirkii Golah dhexe, taas oo uu Muuse Biixi-na uu ku gacan-saydhay.
 
Tibaaxaha ayaa intaas ku daraya in Muuse Biixi uu ku gancan-saydhay dalabkaasi uga yimi Madaxweyne Siilaanyo uu ku hanjabay inuu is-casilayo.
 
Muuse Biixi ayaa Todobaadkan sheegay inuu Musharaxnimadda Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE uu uga Tanaasulay Madaxweyne Siilaany, iyadda oo xoguhu ay intaas ku dareen in Xubno Ganacsato ah oo uu ka mid yahay Maxamed Aw Siciid ay ka dambeeyeen Tasuulkiisa.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.