Shiradda Dawooyinka ee Mubaarak Pharmacy oo si weyn uga soo qaybgashay bandhigga carwada wasaaradda caafimaadka

Hargeysa-(Berberanews)-Shirkadda soo dajinta dawooyinka ee Mubaarak Pharmacy ayaa si wayn uga soo qaybgashay bandhigga carwada wasaaaradda caafimaadka ee Hotelka Maans-oor ee magaalada Hargeysa,Shirkadda Mubaarak Pharmacy oo kamida shirkadaha soo dajiya dawooyinka dadku isticmaalaan waa shirkad weyn oo soo jireen ah waxaanay shaqaynasya tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 1990 xiligaas oo shiradu si kooban hawlaheeda uga bilawday xeryihii qaxootiga ee Dulcad balse markii lagu soo laabtay magaalada Hargeysa ayey Shirkadda Mubaarak si balaadhan ayey ugu baahisay hawlaheeda ganacsiga magaalada Hargeysa oo ay ku leedaha ilaa 6 xarumood oo lagu Iibiyo dawooyinka tayada iyo tiradaba leh ee ay ka soo dajiyaan waddamada yurbta,Turkiga iyo Carabtaba.

 

Shirkaddu waxay kaga soo qaybgashay bandhiggaasi muuqaalo kaladuwan oo ay kamid yihiin dawooyinka ay soo dajiso iyo sidoo kale shirkadaha caalamiga ah ee ay ka soo Iibsadaan magacyadooda waxaana la arkayey dadweyne farabadan oo ku xoonsan qaybta ay shirkaddu ka dagan tahay bandhigga carwadaasi iyaga oo ka Iibsanayey Dawooyinka tayada leh ee ay keento shirkaddua Mubaarak iyaga oo waliba qiimo jaban lagaga Iibinaya fursadan kooban ee labada cisho ah ee ay carwadu soconayso.

Hadaba waxaanu waraysi kooban kula yeelanay isla goobta bandhigga carwadaasi ka soconayso ee Mubaarak Pharacy maamulaha guud ee shirkaddasi Yuusuf Ducaale Barre waxaanu ka warbixiyey goortii la aas -aasay Shirkadda Mubaarak iyo sidii ay ku bilaabatay waxaanu tilmaamay inay ahayd sanadkii 1990 kii markii ay bilaabeen ganacsiga dawooyinka ee Mubaarak Pharmacy “Shirkadda Mubaarak Pharmacy waxaanu furray sanadkii 1990-kii waxaanan ka furay xeryihii qaxootiga ee Dulcad” ayuu yidhi maaulaha guud ee shirkaddaasi Yuusuf Ducaale.

Dhankalana waxa uu sheegay Yuusuuf Ducaale inay ahayd xili adag oo aanay dadka Hargeysa iyo Burco dagani haysan dawooyin ku filan isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “runtii waxay ahayd xilli aad u adag oo aanay dadka Hargeysa iyo Burco dagani hasyanin adeegga dawooyinka markii ay dagaaladii dhamaadeen ee magaalooyinkii dib loogu soo noqdayna waan la soo noqonay oo halkii uun baanu ka sii wadnay hawlihii ganacsiga dawada”

Maamulaga guud ee Shirkadda Mubaarak Pharmacy Yuusuf Ducaale waxa uu sheegay inay dawooyinka ka soo Iibsadaan waddmo dibadd ah isaga oo arrimahaa sharaxaad ka bixinayeyna waxaa hadaladisiii kamid ahaa “dawooyinka waxaanu ka soo Iibsanaa waddamada Turkiga Shirkadda Billim oo aad arkaysay inaanu dadweynaha u qaybinaynay xayeysiiskeedii iyo kuwo kale sida Joordan iyo Urdun oo kale” ayuu yidhi waxaanu intaa ku sii daray “waddamada Yurubtana waanu ka soo Iibsanaa dawooyinka sida Germany iyo Holland iyo Netherland”

Mar uu ka hadlayey tayada dawooyinka ay keenaan dalka inay yihiin kuwo layska hubiyey isla markaana lagu soo sameeyey warshado caalami ah oo aan ahayn kuwo laga war-warqabo sixadooda waxa uu yidhi “dawooyinka aanu keeno tayadoodu waa kuwo lagu kalsoonyahay oo aad u sarayso isku halayndoodu shahaadooyinkoodii caalamiga ahaana way wataan oo hadda waan ku tusi karaa waxaanay shahaadooyinkaasi wataan dhamaan saxiixyadii caalamiga ahaa ee lagu jeegarayn jiray tayada dawooyinka heerka caalamka” ayuu yidhi Mr Ducaale.

Maamulaha Shirkadda Mubaarak Pharmacy Yuusuf Ducaale Barre waxaanu waydiinay maadaama uu sheegay inay dawooyinka ka soo Iibsadaan shirkado Yurub iyo Turki iyo Carab ah qiimaha ay dadka kaga Iibiyaan inuu yahay mid macquul ah oo ay dadku gadan karaan iyo inuu yahay mid qaaliya oo aanay dadku mabsuud ku ahayn qiimahaasi ay ka siiyaan waxaanu ku jawaabay “runtii qiimaha aanu dadka wax kaga Iibino waa mid macquul ah oo aan kululayn dee dadkuna koley sidaad la socoto duruufaha dhaqaalaha way ku kala duwan yihiin oo qaarna way kaa Iibsanayaan iyaga oo mabsuud ah qaarkalana dee waa lagayaabaa inay jeebadoodu hoosayso”

Mr Ducaale waxa uu sheegay iyaga oo ku xisaabtahamaya dhaqaalaha bulshada ay wax ka Iibinayaan inay marka horaba u dajiyaan sicirka dawooyinkooda qiimo macquul ah oo ay dadku ku dhiiran karaan inay Iibsadaan “marka horaba anaga oo ku xisaabtamayna jeebadaha dadka aanu wax ka Iibinayno waxaanu ku sargoynaa qiimaha dawada sicir macquul ah oo ay gadan karaan” ayuu yidhi Yuusuf Ducaale Barre.

Maamulaha Mubaarak Pharmacy Yuusuf Ducaale waxa uu sheegay inay shirkaddu xarumo badan ku leedahay Somaliland sida aan xagga sare ku soo xusnayba isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa uu yihdi “Shirkadda Mubaarak waxay xarumo ku leedahay magaalada Hargeysa kuwaas oo gaadhay ilaa 6 xarumood waxaakale oo aanu ku leenahay Wajaale,Burco,Boosaaso Muqdishana haddaanu isleenahay aad ka furtaan xarun cusub haduu eebe yidhaa”

Ugu dambeyntiina waxaanu maamulaha waydiinay dareenkiisa kuwa jahan Bandigan carwada iyo qaabkii ay uga soo qaybgaleen waxaanu yidhi “marka hore waxaan jeclahay inaan halkan uga mahad celiyo wasiirka wasaaradda caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo keenay fikir cusub oo aanay wasiiradii ka horeeyey ee wasaaradda caafimaadku samaynin” ayuu yidhi.

Waxaanu intaa ku daray “wasiirka waanu ugu hambalyeynanyaa fikirkan cusub ee uu keenay annaguna markii naloo sheegayba waanu soo ajiibnay wixii aany haynayna dee waanagaa keenay oo dadkana hadyado farabadan oo kaladuwan baanu u qaybinay waanan ku faraxsanahay bandhigga carwadan iyo dawooyinka tayada leh ee ay Mubaarak Phamacy soo bandhigeen” ayuu yidhi.

Yuusuf Ducaale waxa uu sheegay inay shiraddiisu dadweynaha qiimo kii hore ka jaban kaga Iibinayso fursadda carwadaasi intay socoto oo ah maanta iyoberrito taas oo ay shirkaddu diyaar ula tahay dadka qiimo dhis macquul ah.

“dadweynaha reer Hargeysa waxaan u sheegayaa inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah oo ay soo booqdaan rugta badhiga carwada ee Mubaarak Pharmacy waxaanay ka helidoonaan dawooyin jaban oo aanu markii hore ku Iibinjiray qiime ka sareeya kan aanu hadda carwada darteed hoos ugu dhignay” ayuu maamulaha Mubaarak Pharmacy Yuusuf Ducaale Barre hadalkiisa ku so gabagabeeyey.