Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xukun Iskugu Jira Ganaax Iyo Xadhig Aadag Ku Riday Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf

Hargeysa (Berbera news) Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa waxay xukun min sadde sano oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo dhan 50 Milyan oo shilinka Somaliland ah ku riday Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf oo ka soo baxa Magaaladda Hargeysa Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatirihii Wargeyskaasi Axmed Cali Cigge, waxaana Xukunkaasi ay Maxkamaddu riday dheeraa in Ogolaanshiyihii Shaqo ee Wargeyska laga qaado.
 
 Wargeyskan oo muddo laba Bilood ah xayirnaa ka dib Dacwad ka dhan ah oo uu Maxkamadda u gudbiyay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ah Wiil Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay, waxaana xukunkaasi markii uu dhacay Cambaareeyay Musharaxa Madaxweynanaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiloaahi Cirro iyo Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Rashiir Muxumed Faarax, kuwaas oo sheegay in xukunkaasi uu si dhacay sifo ku salaysan Cadaalad-darro.
 
 Xukunkan lagu riday Wargeyskan iyo Masuuliyiintiisa ayaa noqonayaa xukunkii ugu adkaa ee lagu rido Warbaahin Somaliland ka shaqaysa.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa