Xukuumadda Oo Xisbiyadda Mucaaridka Ka Reebtay Waftigii Ay U Diraysay Beesha Caalamka

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Somaliland ayaa Saddex Wasiir ku koobtay wefti la filayey inay Dalka Kiiniya u tagaan Gar-naqsi ka dhan ah baaqyadii dawladdaha Beesha Caalamku ka soo saareen Deegaamada Ciidanka Somaliland isku fidiyeen ee Taleex.
 
Ku talagalka Xukuumadda ayaa ahaa sida wararka lagu helay inay dalalka Itoobiya iyo Kiiniya tagaan Wefti ka kooban Xukuumadda iyo Saddexda Xisbi, hase yeeshee waxa qorshahaas la bedelay kadib markii dalka Itoobiya loo diray wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis oo kali ah.
 
Wararka ayaa intaas ku daraya in Berri Dalka ka dhoofi doona Laba Wasiir oo kala ah Wasiirka Caafiamaadka Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag.
 
Wasiiraddan ayaa Dalka Itoobiya ka sii raaci doona wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis, kaasoo ku sugan dalka Itoobiya, isla markaana kulamo la leh qaar ka mid ah madaxda Dalka Itoobiya iyo safiiradda Dallalka Safaaradaha ku leh dalkaasi qaarkood.
 
Lama oga waxa bedelay qorshihii hore ee Xukuumadda, hase yeeshee waxa uu warku sheegayaa in Xukuumaddu war-gelisay Madaxda Axsaabta ee raaci lahayd wasiiradda Xukuumadda.
 
Xukuumadda Somaliland ayaa wada qorshe balaadhan oo Dublamaasiyadeed, taasoo isku xidhaysa siyaasadda Arrimaha Dibeda iyo ta gudahaba si looga midho dhaliyo Maamul fidinta Goobaha aanay adeegyadda Bulshada iyo kuwa dawliga ahi gaadhin.
 
Qorshahan ayaa qayb ka ah sidii ay Somaliland Beesha Caalamka ugu qancin lahayd in ay tahay Dal amaan ah oo xuduudihiisa sugtay, si ay meesha uga baxaan caqabadaha kooxaha war-xuma tashiilka ahi la wareegaan warbaahinta iyo af-miishaarada ku saaqiday siyaasadda ee Dilaala dhiiga Dadkooda baahan ee ka sugaya Gar-gaarka.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa