Daawo: Eheladdii Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Sifo Bilaa Sharci Ah Xabsiga Ugu Hayso

Hargeysa (Berbera news) Eheladda Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo dabayaaqaddii bishii may ee Sanadkan ay Ciidamadda Amaanka Somaliland ay Xabsiga u taxaabeen ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inay xoriyaddiisa u soo celiso ama Gasoorka Cadaaladda ah la hor-geeyo.
 
Sacdiya Maxamed Cali oo ah Xaaska Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga ayaa sheegtay in Siygeeddu uu u xidhan yahay sifo baal-maran Shaciga.
 
 
Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ayaa bishii May ee Sanadkan aya Ciidamadda Amaanku xidheen ka dib markii uu Wasiiro aanu Magacoodda xusun ku tilmaamay inay xidhiidh la leeyihiin Ururo islaami ah, isaga oo muddadaasi ka dib aan Maxkamadda la horkeenin.
 
 
Halkan Ka Daawo.
 

 
Berbera news/Hargeysa