“Maanta Somaliland Waxay Khatar Ugu Jirtaa Dulmi Iyo Qab-yaalad, Qaranima-na Kuma Raagto” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Dalka ku hoggaaminayso sifo ku salaysan eex iyo Musuq-maasuq.
 
Fasayl Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay khubad uu maanta ka jeediyay Munaasibad Magaaladda Hargeysa Taageerayaal cusub oo ka soo baxay XIsbiga taladda haya ee KULMIYE oo la midoobay Xisbiga UCID.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta halkaa waxaa aynu u dabaal dagaynaa 26-kii June oo waxaa ka soo wareegtay 54-sanadood maalintii aynu Xornimada Lixdankii aynu qaadanay,xalay reer Somaliya ayaa u dabaal dagaysay inagana imika qaar baa aan xasuusnaynba oo iyaga waa runtoodoo waa kuwii 26-kii iyagu qaatay inagu wax anfaca oo aynu 26-kii June ka aragnay ma jirto oo maynu arag Maanta waxaan ka baqayaa maalintaa Lix maal mood ayaa aynu haysanee in inaga oo dhawr iyo labaatan sano jirna in ay hadana ay dawladnimadu gacan teena ka baxdo,sababta oo ah sababihii ay lixdankii inooga tagtay ayaa hada ii muuqda oo Umad aan midaysnayn Qaran ma dhisi karto been yaan la idiin sheegin halka Airport-ka marka aad ka baxdid ayaa qabiil kuugu danbaysa,waxaa lagu leeyahay Pasport-kee haysataa dalkee ayaad ka timi”Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali
 
Waxa uu intaas ku daray “Waxaan Qabiil ahayn dalkeena kama soo baxaayo Wasiirkii baa qabiil ku hadlaya Suldaankii ayaa qabiil ku hadlaya dhalinyartii ayaa qabiil ku hadlaya qabiil baa loo bara tamayaa in aynu dadkeena aynu hodno oo inaga oo hab dawladnimo iyo mid qaran toona aan wadin in aynu been u sheegna maaha,taasi waa ta keentay maanta in layna yidhaahdo taleex ka baxa waa laysku haystaayee umad isku jeedaana qaran ma dhisi karto oo afkooda waxaan qabiil ahayn ka so baxayn ,waxaa ay maanta ay somaliland ay khatar ugu jirta in ay dunto oo waxa duminayaa waxa weeye waa dulmi iyo qabyaalad weeyaan meel dulmi iyo qabyaaladina uu yimaadaa horumar ma yimaado qaranimana kuma raagto”.
 
Berbera news/Hargeysa