Maraykanka oo hubaynaya Mucaaridka Syria

Washington(Berberanews):- Madaxweyne Obama ayaa weydiisanaya golaha congress-ka inay u ogolaadaan nus-bilyan oo dololarka Mareykanka ah oo lagu tababaro laguna qalabeeyo xubnaha mucaaradka Suuriya.
usa

Haddii Congress-ka ay meelmariyaan dhaqaalahan, waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo Mareykanka oo meleteri ahaan toos uga qeybgallo dagaalka Suuriya.

Hadalka oo dhan waxa uu yahay jawaab, haddii dowladda Suuriya ay u isticmaashay dadkeeda hubka ka sameysan suntan Kiimikada, in maamulka Obama weli ay xadidan tahay galaangalka ay ku leeyihiin arrintaaasi.

Balse, sii xoogeysiga kooxda loo yaqaano ISIS, ayaa u muuqata inay xoojisay gacmaha madaxweyne Obama.

Aqalka Cad ayaa hadda ugu baaqayo congress-ka inay ansixiyaan 500 oo Milyan oo dollar, si ay ugu tababaraan looguna qalabeeyo koox ay ku tilmaameen kuwo si sax ah loo baaray oo ka mid ah mucaaradka Suuriya.

Waxaa jiro warar sheegaya in tababarka lagu qabanayo dalka Jordan oo hadda CIA-da ay ku leeyihiin xarun ciidan ama dalka Turkiga.

Welina ma cadda nooca ay tahay taageerada meleteri ee Mareykanka uu siinayo mucaaradka Suuriya, inkastoo horey ay mucaaradka u codsadeen hubka lagula dagaallamo diyaaradaha.

Tallaabada noocan ah waxa ay sare u qaadeysaa dhaqdhaqaaqyada mamulka Obama ee dalka Suuriya, balse micno kuma fadhiso haddii congress-ka ay aqbalaan dhaqaalahan.

Golaha sharcidejinta Mareykanka ayaa horey su’aal uga keenay sida lagu garan karo mucaaradka qunyar socodka ah, iyo sida ay macquul ku noqon karto in hubka Mareykanka uu si fudud gacanta ugu galo kooxaha xagjiriinta ah.

Xigasho BBCSomali.com.