Shirka Madaxda Midowga Afrika oo lagu soo dhaweeyay Horumarro La Sheegay Inay Somalia Gaadhay

Hargeysa (Berbera news)S hir madaxeedka 23-aad ee madaxda Midowga Afrika oo shalay ka furmay magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay horumarka ay samaysay dowladda Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgalay wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo sannadkan diiradda lagu saarayo horumarinta beeraha iyo amniga cunnada taasoo ujeeddadeedu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka loogu jiro kor-u-qaadidda wax-soo-saarka beeraha Qaaradda Afrika.
Madaxdu waxay ka hadleen sameynta hannaan looga hortagayo faqriga, ka hortagga cunna xumida iyadoo loo marayo isbedello cusub oo lagu sameeyo wax-soo-saarka beeraha, abuuridda iyo xoojinta xiriirka ururrada beeralayda Qaaradda.
Sidoo kale, shirka waxaa looga hadlay dhiirri-galinta iyo suuq-geynta wax soo saarka beeraha, kobcinta aqoonta iyo xirfadda ay u baahan yihiin beeralayda iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhallinyarada.
Waxyaabaha lagu soo dhaweeyay ee dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay ayaa ee shirka lagu soo qaaday ayaa waxaa ka mid ah arrimaha nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, dhismaha dawladnimo Soomaaliya,fidinta nidaamka federaalka iyo in si siman loog qaybgalo siyaasadda dalka.
“Soomaaliya waxay kasoo kabanaysaa dhibaatooyinkii gaaray, waxyaabaha qorshaha noogu jira waxaa ka mid ah sidii dib loogu soo nooleyn lahaa wax soo saarka beeraha Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka, loona abuuro shaqooyin dadka Soomaaliyeed ay helaan si loo yareeyo shaaqo la’aanta,” ayuu
Berbera news/Hargeysa