UCID oo HCTV ku sifeeyay kuwo gacan saar la leh xukuumadda

Hargeysa-(Berberanews)-War-saxaafadeeed: Xisbiga Ucid Waxaa Uu Doonayaa In Tvga Hc.T.v Noo Cadeeyo Sababta Looga Reebay Wararkii Ka Baxay Tvga Warkii Xisbiga Ucid Ee Uu Soo Duubey Aaden Cabdi IidleEe Ahaa Taageerayaashii Miisaanka Lahaa Ee Ku Soo Biirey Xisbiga Ucid

Waayo Waxaa In Mudo Ahba Soo Noq noqonayey Dhacdadan In Warka Xisbiga Ucid Laga Reebo Wararka Ka Baxa Tvga Hc.Tv Ee Madaxa Banaanaa

Hadii Si Deg Deg Ah Aad Noogu Soo Cadeyn Weydaan Falkaa Foosha Xun Ee Lagula Kacey Xisbiga Ucid Waxaanu U Fahmeynaa Ama ,Arinta Macnaheeduna wuxuu Noqonayaa In T.vga Horn Cable Uu Gacan Saar La Leeyahey Xukuumada Talada Haysa Oo Aydaan Bulshada Dhex Dhexaad U Aheyn

Ugu Danbeynti Waxaanu Go,aan Deg Deg Ah Ka Soo Saari Doona Talaabada Aanu Ka Qaadan Laheyn Hc.Tv

Allaa Mahad Leh

Xarunta Xisbiga Ucid