Khilaafkii Hore U Istaagay Ee TV-ga Qaranka Oo Mar Kal Soo Laabtay Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Hargeysa (Berbera news) Khilaafaka Maamualka Telefishanka qaranka ka taagan ayaa soo laba kacleeyey toddobaadkan kadib markii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta oo dhinac ah iyo Maareeyaha Telefishankaas iyo ku-xigeenkiisa oo isku dhinac ahi isku maandhaafeen maamulka dhinaca lacagta.
 
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Cabdiaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa amar ku bixiyey maanta in aanua xerada wasaaradda soo gali karin Maareeyey ku-xigeenka Telefishanka Qaranka, isagoo sidaas amar ku siiyey Askarta albaabka ilaalisa, hase yeeshee amarkan aytaa ka cadhaysiiyey Maareeyaha iyo ku-xigeenkaba waxaanay iyana bixiyeen amar kale oo ah inaanay askartu joojin karin maareeye ku-xigeenku inuu soo galo xafiiskiisa, taasoo keentay askartu inay markii danbe sii dayso maareeye ku-xigeenka.
 
Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka iyo Maareeyaha iyo ku-xigeenka Telefishanka qaranka ayaa soo noq noqonaya sidii khilaafka Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda, kaasoo marka la is yidhaa wuu dhamaaday hadan soo laba kacleeya.
 
Khilaafka Maamul ee masuuliyiintan ayaa waxa sabab u ah nidaamka Maamul ee ay Xukuumaddu u jeexday, kaasoo ah mid aan caddayn oo marana la madax banaaneeyey, halka mar kalena laga hoos geeyey wasiirka.
 
Digreetooyinka lagu magacaabay Maareeyaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa odhanaya way madax banaan yihiin, hadana Digreeto kale ayaa odhanaysa Nidaam ahaan waxay hoos tagayaan wasiirka haddii ay warbixin noqoto iyo haddii ay qaab xisabeedka Telefishanka noqotoba.
 
Maamulka Telefishanka ayaa xiligii UDUB aha amid madax banaan balse awood ahaan hoos tagi jiray madaxtooyadda, waxaanay taasi meesha ka saartay in aan wax is qab qabsi ah marna lagu arag, halka tan iyo intii xukuumadda Kulmiye la wareegtay qaylo dhaan taagan ay u tahay Xukuumadda, maadaama oo aanu caddayn nidaamaka maamul ee Telefishanka Qaranku.
 
Berbera news/Hargeysa