Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa Weerar ku qaaday Somaliland Isagoo ku tilmaamay nasiib daro goobtii calan somaliyeed laga taagay uu ka taagan yahay mid aan kii ahayn sidda uu hadalka u dhigay.
Madaxwaynah Gaas oo Magaalada Garoowe kula hadlayay Warfidiyeenada ayaa sheegay inuu umada somaliyeed meelkasta oo ay joogaan u hambalyaynayaan 26juun awgeed.
Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in markii Calan Somaliyeed Laga taago magaalada hargaysa Ee 26kii Juun ay ahayd isla markaana uu hambalyo u dirayo umada somaliyeed isagoo dafiray meeqaamka Somaliland iyo sida ay maalintan u xustay kuna Tilmaamay dheel,waxanu sheegay inuu hambalyo u dirayo umada somaliyeed waxanu yidhi“Waxaan u hambalyaynaa Umada Somaliyeed ee 26ka Juun oo ah maalintii calan somaliyeed dhul Somaliyeed Laga Taago”Ayuu yidhi Madaxwayne Gaas
Waxanu sheegay inay Nasiib daro tahay calankii Laga Taagay Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargaysa Ee Somaliyi yeelatay laga Tuuray oo uu ka babaynayo Calan uu ku sheegay inaanay garan Karin meesha laga keenay “Calanka Buluuuga ah Ee Shanta Xidigoodleh Laga saaray Beerta xoriyada ee Magaalada Hargaysa,Laakin waxa nasiib daro ah oo aad uga xumahay oo meeshii calankaa buluuga ah ee shanta xidigoodleh laga taagay uu mid kale oo aanu garanwaynay ka babanayo”Ayuu yidhi Madaxwaynaha Maamulka Somaliyeed ee Pland
 
 
 
Berbera news/Hargeysa