Shirkadda Waddaniga Ah Ee SBI Oo Soo Ban-dhigtay Qorshe Ah In Haddii Qofku Iibsado Hal Xabo Oo Sharaab Ah Ay Ugu Jiro Sadaqo Bishan Ramadaan + Daawo Vedio Iyo Sawiro .

Berbera news(Berbera news) Shirkadda Waddaniga ah ee soo-saarta Sharaabka kala duwan ee Dalka lagu isticmaalo ee SBI ayaa maanta soo ban-dhigtay qorshe cusub oo ay ugu talo-galeen Macamiisheeda Bisha Ramadaan kaasi oo ah mid lagu caawinayo Dadka Masaakiinta ee reer Somaliland, waxayna shirkadu sheegtay in Qofka iibsada hal xabbo ah oo sharabka SBI uu hellayo sadaqo, iyada oo shirkadu sheegtay in sharabkii qiimihiisa aanay waxba iska badalin oo halkii habbo qiimaheedii uu yahay 2500, balse dadka macaamiisha ah ee ay shirkadu u jartay Konton Shillin oo sadaqo ah oo qofkii iibsaday isaga saqo ahan u taallo, waxanay sheegen in lacagtaasi marka ay ururto ay Bulshada reer Somaliland ee Masaakiinta ay ugu deeqidoonan, iyada oo loo sheegidoono in ay tahay sadaqadii dadka reer Somaliland .

Munasibada ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi, Isuduwaha Gobolka Hargeysa ee Wasarada Diinta Awqaafta Sheekh Maxamuud Ibraahin, Agaasimaha Fadwada Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore, Maamulaha Iibka ee Shirkada SBI Liiban Yuusuf Cisman.

Maamulaha Iibka ee Shirkada SBI Liiban Yuusuf Cisman ayaa sharaxay qorshahan Cusub ee ay u soo bandhigeen Macamiishooda, waxanu uu tilmaamay in Bulshada Somaliland u sheegayaan in shirkada SBI ay bisha Ramadaan ugu tallo gashay in qofkii Iibsada Hal xabbo oo Sharab ah ay u dhigantahay isaga oo bixiyey Konton shillin oo Sadaqo ah.
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2014/06/04.jpg?resize=567%2C425
Waxanu yidhi. “Hadaanu nahay Shirkada SBI, waxanu hambalyo u diraynaa Macaamiisha iyo Shacbiga reer Somaliland ee ku xidhan Shirkada SBI, meel walba oo ay ka joogan Somaliland gobol illaa degmo, illahay hayna siiyo Ajarka bisha Barakaysan ee Ramadaan, Barnaamijka aanu maanta soo bandhigyanaa waa mid khayri ah oo shirkadu SBI ugu tallo gashay bisha barakaysan ee Ramadaan, taasi oo ah Cab oo Sadaqadeyso, waxanay macnaheedu yahay qof kasta oo reer Somaliland oo Cabba Cagad ka mid ah sharaabka SBI waxa uu sadaqadeysanayaa oo uu bulshada reer Somaliland ee masaakiinta ugu deeqayaa Konton Shillin oo shillinka Somaliland ah, marka waxa uu ugu deeqaya dadka dhimirka la’a iyo Agoomaha iyo dadka tabaaleysan, madama bisha Ramadaan ay tahay bishii Sadaqada, marka shirkada SBI sidii sunaha u ahayd waxanu dadkayaga dib ugu celindoona faa’iidada aanu ka helno, waxa kale oo aan u sheegaya shacabka Somaliland in aanay lacagtu waxba iska badalin oo sharabkuna qiimihiisu yahay.”ayuu yidhi Liiban.
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2014/06/01.jpg?resize=521%2C391
 
https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2014/06/05.jpg?resize=515%2C386
 
Halkan Ka Daawo Warkan.

 
Berbera news/Hargeysa