Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Wasiirka Duulista Iyo Hawaddu Uu Ku Fashilmay La Soo Wareegida Maamulka Hawadda Somaliland

Hargeysa (Berbera news) Afhayeenka Xisbgia Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si adag Xukuumada ugu eedeeyey in ay ku fashilantay in ay la so wareegto maamulka Hawada ee ay Qaramaddam Midoobay ay ku wareejisay Dawlada Somaliya,waxaana uu carabka ku dhuftay in markii horeba uu heshiiskii hawada ee lala galay dawlada Somaliya uu ahaa mid aanay waxba ka jirin,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ay Xukuumadu tahli kari wayday in ay ka dhadhiciso Jimciyada Quruumaha Ka dhaxaysa iyo Beesha Caalamkaba in ay Somaliland iskeed ay Hawadeda u maamulato.
 
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa.waxaana uu sheegay in heshiiskii Hawada ee Markii horeba lala galay uu ahaa mid la midi roorsaday oo aanay Xukuumadu ka qayb galin Axsaabta Qaranka iyo Golayaasha Baarlamaanka Somaliland.
 
“Anagu ka WADDANI ahaan markii horeba waxaanu aaminsanayn in heshiiskani uu markiisii horeba uu ahaa mid la midi roorteeyey oo faashil ahaa,waa aynu ogayn markii Turkiga la tagaayey ee heshiiskaasi la soo galaayey in uu ahaa mid qarsoodiya oo la qarsaday,Axsaabta Mucaaradka ahna oo ay ahayd in ay ka qayb qaataan iyo Golayaasha qarankuba badan koodu aanay ka qayb qaadanin oo Xubno ay iyagu Xusheen ay ku tageen meeshaas waliba waxaa aad arkayseen in qaabka aad marka horeba ay Xukuumadu heshiiska ay ugalaysay oo uu madmadaw fara badani uu ka muuqday,waxaana imika cadaatay in diblomaasiyad ahaan ay Xukuumadu ku fashilan tay beesha Caalamka ama Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa in ay Somaliland ay iyadu maamusho oo iyada gacanta laga galiyo,waxaana cadaatay sida uu Wasiirkuba uu afkiisa ka sheegay ama uu ka dhawaajiyey in jiciyada Quruumaha ka dhaxaysaa ay hawadii Somaliland iyo Somaliya ka dhaxaysay ay ku wareejisay iyadii oo isku jirta dalka Somaliya”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa
 
 
Afhayeenka Xisbgia WADDANI Xildhibaan Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi uu ku daray “Waxaanu markaa aanu arintaa u aragnaa arin faashila oo Xukuumaduna ka gaabisay doorkii ay ka qaadan lahayd ama waajibkeedu uu ahaa in ay ka gudato diplomaasiyadii oo lagaga adkaaday Xidhiidhkii beesha Caalamka iyo Jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa oo lagaga adkaaday,waxaan kale oo anu u aragnaa in ay tahli kari wayday in ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysa iyo beesha Calaamka ah in ay intaba ay u qancis isla markaana ay u soo bandhigt siyaasad u cuntanta oo mugleh oo hufan oo ay ku qanciso in ay iyadu ay gacan teeda ku maamusho Hawada.Heshiiskii Beenta ahaa ee aan waxba ka jirin ee labada warqadood lagu soo xariiqay ee la yidhi Hargeysa Xarun loogaga furayaa oo waa la maamulayaa waxaa muuqata in uu halkaasi ku dhicisoobay aanay waxbana ka jirin”.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.