“Xukuumaddani Waxa Ay Baabisay Nabadii, Dimuqraadiyadii, Xuquuqul Insaankii Iyo Nidaamkii Dalka Ka Jiray”

 
Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda taladda dalka haysa, oo uu sheegay inay ku fashilantay inay u jawaabto hadal meel ka dhac ku ah Somaliland oo dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya, waxaanu tilmaamay inay Xukuumaddu awoodi kari weyday inay wax jawaab ah siiso, waxaanu xusay inuu Madaxweynaha Somaliya uu jabiyey qodob ka mid ah wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya.
Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale Xukuumadda ku dhaliilay inay cadaaladii, nidaamkii iyo sharcigii dalka ku tumatay, oo hantidii Umadda sida ay doonto u isticmaasho, cabudhin, hagar daamo iyo dhibaatooyin kala duwana u geysto Dadweynaha iyo Saxaafadda, isaga oo si gaar ahna u sheegay in Golayaasha Baarlamaanku ay ka gaabiyeen waajibkii ay lahayeen.
Jamaal Cali Xuseen oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sheegay in Wasiiradii daacada ahaa ee waajibkooda si wanaagsan u gudunaayey xilkii laga qaaday, halka la soo reebay Wasiiradii aan Xilkooda si daacadnimo ku dheehan tahay aan u gudaneeyn, waxaanu Jamaal Cali Xuseen ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Maalintii 26-june oo ku beegnayd Maalintii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay Xoriyadeeda, ayaa Madaxweynaha Somaliya uu yidhi waxa aan hambaliyeynayaa Gobolka Waqooyi, waa hadal meel ka dhac ah, waa hadal gaf ah, oo jiritaanka Somaliland ka hor imanaya, waxaana fashilaad ah in Xukuumadda Somaliland ay ilaa hadda u jawaabi weyday, awoodi weydayna inay jawaab ka bixiso, hadalkiisa, waxa kale oo meel ka dhac ah inuu jabiyey mid ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey ee ku jiray wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, taas oo qodobkaasi tilmaamayo in Labada Dal isku aqoonsanaadan Dawladdo, waxa kale oo aynu ogeyn in Sanadkii hore Xuskii 18-may uu inagu sheegay inay caadifadi ina hayso, waxaana dhab ah in isaga oo Xamar lagu ilaaliyo aanu wax alaale wax uu inaga qaadi karayaa aanay jirin, sababtoo ah waxa aynu nahay dad iyagu waxa qabsaday oo tashaday”.
Musharax Madaxweynaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Tan iyo Afartii Sanno ee ay Xukuumaddani jirtay wada hadaladaas aynu kula jirnay Somaliya, Dawladdihii aynu saaxibka ahayn ayaa inagaga fogaaday, waxa kale oo layaab leh in Dawladdihii jaarka aynu ahayn ay Xadkii inaga xidheen sida Jabuuti iyo Itoobiya, Xukuumaddana meel walba wey inaga soo xidhay”.
Jamaal Cali Xuseen mar uu Xukuumaddan ku eedayey inay dhibaatooyin kala duwan ku hayso Bulshada, Axsaabta Qaranka iyo Saxaafadda ayaa yidhi “Xukuumaddani waxa ay baabisay Nabadii, Dimuqraadiyadii, Xuquuqul Isaankii iyo Nidaamkii dalka ka jiray, waxa ay cabudhin ku haysaa oo ay xidhaa Saxaafadda, Xisbiyada Mucaaradka ah, Dadweynaha, waxaana dhawaan dhacday in Guddoomiyaha Garabka Haweenka ay xidhay, waxa dhab ah in dad aad u badan xabsiyada ku gurtay, waxa kale oo iyana wax aad looga xishoodo ah in Wargeyska Haatuf ruqsadii lagala noqdo, Yuusuf Cabdi Gaboobena sifo aan loo marin sharciga lagu xidho, xoriyadiisina lagaga qaado, waxa kale oo iyana ayaan daro kale ah in xitaa Wargeyskii Hubaal uu ila hadda xayiran yahay, waxaana la odhan karaa Xukuumaddii hore oo iyadu aad u liidatay, ayaa waxa ka sii liita, oo ka cadaalada xun, kana cabudhin badan Xukuumadda, oo Xukuumadda hore Suxufiyiinta ay xidhay,iyo Xukuumaddani Suxufiyiinta ay xidhay, iskuma dhawa oo Xukuumaddan ayaa inta ay doonto ka badan”.
Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Siyaad Bare ayaa cid ka Waddo dhisid badnayd , kana Cidan badnayd aanay jirin, oo waxba ku qaadi kari waayey, Xukuumaddana dhaqamadii Siyaad Bare ayey waddaa,waxaana la odhan karaa waxa waajibkoodii shaqo iyo xilkii ay Umadda u hayeen gabay Golayasha Baarlamaanka, oo Baarlamaanku waa dabarkii qaban lahaa Xukuumaddan, wuu la xisaabtami lahaa, waxa walba oo soo kordha ayuu waxa ka weydiin lahaa, waxyaabaha sababay in Xuduudaha la soo xidho iyo Siyaasad xumada Xukuumadda ayuu waxa ka weydiin lahaa, waxaana kula talin lahaa Golayaasha Baarlamaanka hurdada aad seexateen ka kaca oo waajibkiina guta, Xukuumaddana la xisaabtama”.
Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xukuumaddan waxa ku jirey Wasiiro nadiif ah oo daacadnimo ku dheehan tahay,waxaana ka mid ahaa Boobe Yuusuf Ducaale,Xuseen Xoog iyo Maxamed Xaashi Cilmi xilkii ayaa laga qaaday, waxaana la soo reebay Wasiiradii sida wacan aan xilkooda u gudanayn, oo waxa ay doonaan sameeynayey, oo hantida Umadda ilaalinayn”.
Berbera news/Hargeysa