Maamulka Jaamacadda Culuunta Badda Berbera Oo Sheegay In Aanay Jirin Arday Jaamcadda Ka Tirsani Oo Ku Biirtay Xisbiga WADDANI

Berbera (Berbera news) Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Bada ee Magaalada Berbera Captain Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil ayaa si xooga uga qayliyey isla mar ahaantaana dadafeeyey in arday ka tirsan jaamacada Culuumta Bada oo dhawaan ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
 
Captian Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo qaar kamida warbaahinta Xalay fiidkii la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in qaar kamida ardayda Jaamcadu ay ku biiren Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana uu carabka ku dhuftay in Inaanay Ardaydu Ka Midaysnayn Ku Biiritaanka Xisbigaasi Balse Ardaygaasi ku hadlaayey afka ardayda Jaamacada Culuumta Badu Uu Shaqsiyadiisa Ugu Biiray Xisbiga WADDANI.
 
“Jaamacadu Bada Waa Jaamacad Ay Dawladu Maamul Wado Wax Walba Dawladu U Hayso Sidaa Awgeed Ardaygaa Hadalkiisa Wax Alaaliyo Wax Xagayaga Ka Jiraa Ma Jiraan, Wax Alaaliyo Wixii Uu Ku Kacay Ee Qaladka Ahaana Isaga Ayaa Masuuliyadeeda Qaadaya, Taasna Wax Alaaliyo Wax Ka Jiraa Ma Jiraan Waa Wax Isaga Oo Kaliya Ku Kooban”Ayuu yidhi Captian Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil
 
Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Badda Ee Magaalada Berbera oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa Uu Guud Ahaanba Ardayda Jaamacada Usoo Jeediyay Inay Jaamacadu Ka Madax Banaan Tahay Arimaha Siyaasada Waxana Hadaladiisii Kamid ahaa ” Jaamacadu Waa Free Political Siyaasada Waa Ka Madax Banaan Tahay Ardaygu Maalinta Uu Codka Bixinaayo Cida Uu Doono Ha Siiyo Laakiin Lama Keeni Karo Jaamacada Lagumana Hadli Karo Afka Jaamacada”
 
 
 
Berbera news/Berbera