Qarax Khasaare Geystay oo ka dhacay Suuqa Degmada Kaaraan ee Muqdisiho

Hargeysa (Berbera news) Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay 14-qof oo ay ku jiraan ciidamada canshuuraha dowladda ayaa ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay xafiiska canshuuraha suuqa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid miino, iyadoo wararku ay sheegayaan inay miinadu ku jirtay bac la ag-dhigay xafiiska, dabadeedna ay qaraxday, iyadoo ay ku sugnaayeen xafiiska dadka shacaba ah iyo ciidamada canshuuraha degmada.
“Isbitaalka Keysaney waxaa lasoo gaarsiiyay dhaawacyada 14-qof, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo xaaladdoodu daran tahay, afar ka mid ah daweyn ayaan u sameynay halka 10-qof oo kalena aan jiifinnay isbitaalka,” ayuu yidhi maamulaha isbitaalka Cali Bile oo la hadlayay warbaahinta
Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxaas, balse wuxuu imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen inay ammaanka Muqdisho adkeynayaan si ay uga hortagaan falalka ammaan-darro ee Al-shabaab ay geysanayso inta lagu jiro bisha Ramadaan.
Qaraxan khasaaraha geystay ayaa kusoo beegmaya maalintii labada ee Ramadaan iyadoo shalay oo ahayd maalintii koowaad lagu toogtay Muqdisho saddex askari oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Axmed Xasan Yalaxoow oo ka hadlay qaraxan ayaa sheegay inuu burburay dhismaha xafiiska, laba qofna ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad u badan shacab adeeg u soo doontay isbitaalka.
Al-shabaab ayaa ku goodisay inay qaraxyo iyo weerarro kala duwan ay Muqdisho ka geysan doonaan inta lagu jiro bisha Ramadaan, halka dowladduna ay sheegtay inay ka hortegi doonaan weerarrada ka imaanaya Al-shabaab.
Berbera news/Hargeysa