Xildhibaan Muxaafid Ah Oo Qiray In Xukuumaddu Ay La Kulantay Fadeexadd Diblamaasiyadeedd.

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Guddida arrimaha dibada ee Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa Xisbiyadda iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka u soo jeediyay in aanay ku farxin fadeexaddaha Diblamaasiyadeed ee Xukuumaddu ay kala kulantay Waddamaddii Beesha Caalamka ee hore Somaliland ugu baaqay inay Ciidamaddeeda ay kala baxdo Degmadda Taleex ee dhawaan Ciidamadda Qaranka Somaliland ay hawl-galka kula wareegeen.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan idiin sheegayaa inaanu u yeedhay Wasiirka arrimaha dibedda oo aanu ku war gelinay inuu guddida arrimaha dibedda hor yimaaddo, laakiin hawlo badan ayaa jira oo wasiirku wakhti ayaanuu haynin oo mashquul weeyaan, laakiin waanu u yeedhnay oo uu imanayaa” ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.
 
Waxaanu intaas ku daray “Waxaan u sheegayaa Axsaabta Mucaaridka ah, gaar ahaan Afhayeenka Xisbiga Waddaani Ibraahin Mahdi Buubaa inaanuu ku farxin waxyaabaha guuldarada ah ee ay Somaliland kala soo kulanto beesha caalamka, waayo hawl ayaa la gelayaa oo wax meel iska sii yaaalla ma aha, markaa taasina wax waba waa lagala soo kulmi karaa, waxaan leeyahay saaxiibkay hadaad muwaadin tahay ma wanaagsana inaad ku faraxdo, waa inaad ka murugootaa, taas oo aanad ku farxin”
 
 
 
Berbera news/Hargeysa