Daawo: Khilaaf Salka Ku Haya Muran Dhuleedd Oo U Dhexeeya Goleyaasha Deegaanka Hargeysa Iyo Salaxlay Oo Meel Aadag Maraya

Hargeysa (Berbera news) Khilaafkan ayaa salka ku haya muran Dhuleed oo u dhexeeya Goleyaasha Deegaanka Caasimadda Hargeysa iyo Degmadda Salaxlay oo ka tirsan Gobolka Marood-jeex, kaas oo labada dhinacaba ay isku maan-dhaafsan yihiin cida maamulaysa dhulkaasi oo ku yaala Deegaanka Toon oo dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaaladda Hargeysa.
 
Guddoomiyaha Degmadda Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen Shiine oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sharaxay halka uu salka ku hayo murankani.
 
Geesta kale Masuuliyiinta Golaha Deegaanka Hargeysa ayaan iyagu ilaa hadda ka hadlin Khilaafkan, iyaddda oo la sheegay in Shalay Murankan uu dhaawac ka soo gaadhay hal Askari.
 
 
 
Halkan ka Daawo.

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.