Dad badan oo ku dhintay iyo kuwo ka badbaaday Doon ku qarraqantay Xeebaha Talyaaniga

Roma-(Berberanews)–Ugu yaraan 31 qof ayaa maydadkooda laga helay badwaynta midhitareeniyaanka ee u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya kadib markii ay la qaranqantay dooni yar oo siday tahriibayaal Afrikaan ah.

migrants

Sida ay sheegeen ciidammada badda ee Talyaanigu dooni yar oo nooca kalluumaysiga ah oo siday tahriibayaal tiradoodu lix boqol oo qof oo ka soo ambabaxay xeebaha dalka Liibiya, ayaa markab ay leeyihiin ku badbaadiyey badwaynta, taas oo ay u jiideen magaalada Pozzalo oo ku taal jasiirada Sicily oo ku taal Koonfur/galbeed ee dalka Talyaaniga.

Doonidan ayaa timi iyadoo 48-kii saacadood ee la soo dhaafay ciidammada Talyaanigu badbaadiyeen tahriibayaal tiradoodu gaadhayso 5000 (shan kun) oo dhammaantood ah Afrikaan ka soo tahriibay xeebaha Liibiya, halka tirada la badbaadiyey todobaadkii u dambeeyay oo keliya tahay lixdan kun oo muhaajiriin ah.

 

Tiradan xad-dhaafka ah ee muhaajiriinta tahriibaya oo dhalashadoodu u badan tahay Erateriya, Soomaali iyo qaxoontiga Suuriya oo ka baxsanaya dagaallada ka dhacaya dalkaasi, ayaa la filayaa inay tiradoodu sii korodho, marka loo eego sannadkii 2011-kii tiradu gaadhay 63 kun qof, maadaama weli badhtamaha lagaga jiro sannadkan