Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo Deeq Lacageed Guddoonsiiyay Guddiga Dhismaha Wadada Ceerigaabo

Sanaag-(Berberanews)-Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), ayaa lacag dhan 1000 (kun dollar) guddoonsiiyay Maayarka magaalada Ceerigaabo  ismaaciil Xaaji  Nuur oo ka mid ah Guddida Dhismaha Wadada Ceerigaabo.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan ayaa sheegay in lacagtan uu wadada ugu deeqay Suldaanka Guud ee Beelaha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin

“Maaha deeqdii u horraysay ee Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin bixiyay, waa deeqdii saddexaad, waxaan u soo jeedinayaa sallaadiinta kalena inay ka qaybgalaan taakullada Dhismaha Wadada Ceerigaabo oo muhiimad weyn ugu fadhida Somaliland oo dhan.”

Deeq

Berberanews.com

Info@berberanews.com