Diyaarad Mudisho ku socotay oo burburtay

BBC-Diyaarad xamuul oo Qaad u sidday Muqdisho ayaa burburtay daqiiqado yar kaddib markii ay ka kacday gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

Boliiska Kenya ayaa sheegay in afar ruux ay ku geeroyoodeen shilka diyaaraddaas.

Diyaaradda ayaa ku dhacday goob dukaamo ku yeellaan ee agagaarka gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

diyaarad

Taliyaha Boliiska Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay inay goobta uu shilka ka dhacay ka raadinayaan inay jiraan dad kale oo ku waxyeelloobay shilkaas.