Raisul wasaaraha Turkiga Racep Tayyip Erdogan oo isu sharraxaya Jagada Madaxweyne

Raisul wasaaraha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa isu soo sharixi doona jagada madaxweynenimo doorashadii ugu horaysay ee ay shacabku madaxweyne si toos ah ugu dooran doonaan dalka Turkiga. Doorashadaas waxay dhici doontaa bisha Agoosto ee sanadkaan.

Murashaxnimada Erdogan waxaa xaqiijiyay xisbigiisa AK. Waxaa uu Raisal wasaare ahaa tan 2003-dii waxaana laga mamnuucay in uu mar kale isa soo sharaxo. Waxa soo foodsaaray eedeymo la xiriira musuqmaasuq, dadka dhaliila maamulkiisana waxay sheegayaan in uu noqday keligii taliye.

erdagon

Balse Mr Erdogan ayaa sheegaya in dadka ay isku hayaan siyaasada ay doonayaan in ay xukunka ka tuuraan. Waxaa uu doonayaa in uu awood dheeraad ah siiyo jagada madaxweynenimo oo markii hore ahayd jago iska caleema saar ah.

Waqtigii hore madaxweynaha waxaa dooran jiray baarlamaanka balse doorashada dhici doonta Agoosto ayaa markii ugu horaysay waxay shacabku si toos ah u dooran doonaan madaxweynaha.