Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somalia Oo Muqdisho Lagu Dilay Iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay

Muqdisho (Berbera news) Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa goor dhowayd lagu dilay magaalada Muqdisho,  iyadoo mid kale-na la dhaawacay.
 
Kooxo hubaysan oo aan la garanaynin haybtooda ayaa Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirey Allahu naxariiste Maxamed Maxamuud Xayd ku toogtay degmada Xamar weyne.
 
Dableyda toogatay ayaa la sheegay in ay wateen gaari oo ay kasoo toogteen xilli uu Xildhibaanka ku jirey gaarigiisa, waxaana ay dhaawaceen mudane kale.
 
Dilka kadib ayay goobta ka baxsadeen kooxihii hubeysnaa, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkan.
 
Falalka amaan darrada ayaa kusii badanaya magaalada Muqdisho tan iyo markii uu bilowday Bisha Ramadaan.
 
Mudo saddex maalmood gudahood waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay inka badan shan askari oo dowladda ah.
 
Ururka Al-Shabaab ayaa  Sheegtay Masuuliyadda Weerarkan lagu dilay Xildhibaankan.
 
 
Berbera news/Muqdisho