Boko Haram oo ku dishay Nigeria in ka badan 10,000 oo qof

BBC-Booliiska Nigeria ayaa sheegay in toban qof ay ku dhinteen afar iyo toban kalana ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magalada waqooyiga ku taala ee Bauchi.

Qaraxaasi oo dhacay habeenimadii jimcihii waxaa uu ka dhacay goob ay isticmaalaan haweenka jidhkooda ka ganacsada.

Ilaa io hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada werarkaasi, laakiin malayshiyada islaamiga ah ee Boko Xaraam ayaa weeraro isdaba joog ah ku qadaysay magaalada Bouchi.

nigeria

Arbacadii ugu yaraan 21  qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay suuq laga dukaamaysto oo ku yaala caasimada waddankaasi ee Abuja. Boko Haram ayaana loo malaynayaa in ay qaday weerarkaasi.

In ka badan 10,000 oo qof ayaa lagu qiyaasayaa in kooxda Boko Haram ay ku dhishay dalka Nigeria tan iyo markii ay bilawday ololaheeda rabshadaha ah 2009-kii. Waxay inta badan weerartaa kooxda goobaha ay u arkaan in ay yihiin kuwa lagu sameynayo macaasi sida baararka, kaniisadaha masiixiga ama skuulada lagu barto maadiga laga dhaxlay reer galbeedka.

Saddex dumar ah ayaa la xiray dalka Nigeria, kuwaas oo lala xiriirshay kooxda Boko Haram. Militeriga dalkaas ayaa wuxuu sheegay in dumarkan ay tababaro siinayeen dumar kale si ay ugu biiraan kooxda Boko Haram.
Waxaa la sheegay in ay isku dayayeen inay soo jiitaan dumarka laga geeriyooday iyo gabdhaha da’da yar oo ay u ballan qaadayeen in ay guursan doonaan xubnaha kooxda Boko Haram.