SOLJA oo sheegay in Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Racfaan ka qaatay Xukunkii Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku ridday

Hargeysa(Berberanews):- Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe u xaqiijiyey inuu Racfaan ka qaatay xukunkii ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ku ridday 25-kii bishii 6-aad 2014-ka, oo Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha iyo Saxaafadda u doodaa ku tilmaameen inuu yahay xukun sharci-darro iyo cabbudhin ah.

Daawo: Xoghayaha Guud Ee Ururka SOLJA Oo Cambaareeyay Xukunkii Ay Maxkamaddu Ku Riday Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf Oo Sheegay In Aanay Maxkamadda Hor-imanayn Ilaa Ay Helaan Garsoor Cadaaladda Ah

Qoraal kooban oo uu caawa soo saaray Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu sheegay inuu Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe u xaqiijiyey inuu Racfaan ka qaatay Xukunkaas caddaalad-darrada ahaa, ka dib markii ay booqasho ugu tageen Xabsiga uu ku xidhan yahay Khamiistii oo ay bishan Julay ahayd 3, isla markaana ay dalabkiisa u gudbiyeen Maxkamadda Racfaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Hase-yeeshee, Calawi Cabdi Gaboobo oo ay Walaalo yihiin Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Garyaqaannada u doodayey Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, ayaa sheegay inuu Garsooraha xukunka sharci-darrada ah ku riday Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiintiisa oo lagu magacaabo Garsoore Asad uu diiday inuu bixiyo Nuqulka Xukunka uu ku riday Haatuf iyo Madaxdiisa 25-kii bishii hore ee June ee sannadkan oo uu qol Madoow ku dhex xukumay.

Balse, uu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ugu baaqay Daneeyayaasha Xorriyatul-qawlka iyo arrimaha dimuquraaddiyadda iyo Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland, inay la socdaan, isla markaana isha si dhaw ugu hayaan arrimaha Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland oo uu SOLJA sheegay inay hog madoow ku ridday Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Hay’adaha Garsoorka oo lumiyey dhex-dhexaadnimadii iyo madax-bannaanidii ay wax ku garsoori lahaayeen, keliyana u adeega cid gaar ah oo ah Xukuumadda.

Berberanewws.com

Hargeysa/Somaliland.