Daawo: Qarax Khasaare Nafeed Dhaliyay OO  Lala Beegsaday Xarunta Baalamaanka Somaliya Iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay

Muqdisho ( Berbera news)  Ugu yaraan shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidan ilaalo ka ahaa, waxaana Weerarkani uu ahaa mid loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay mid ka mid ah albaabbada baarlamaanka xilli ay baarlamaanka sii galayeen xildhibaannada
 
 
Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Gashaanle-dhexe Qaasim Axmed Rooble oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa sheegay inay ku dhinteen laba ilmood oo ku noolaa kaamam ku yaalla agagaarka xarunta baarlamaanka, laba askari oo ilaalada baarlamaanka ka tirsan iyo ruuxii weerarka fuliyay.
 
Dhinaca kale Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorshaysan oo ay ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya
 
 
Halkan ka Daawo Warkan.

 
Berbera nws/Hargeysa