Raysal-wasaaraha Somalia Puntland soo siisay Hub ay ku soo weerarto Somaliland

Muqdisho(Berbera news) Saraakiil ka tirsan sirdoonka Villa Somalia ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu hub siiyey maamul goboleedka Puntland kadib khilaaf iyo diidmo mudo dheer jiray kadib.
Saraakiisha waxay sheegeen in hubka Dowladda Somaliya siisay Puntland ay iskugu jiraan qoryaha loo yaqaan BKM,kuwa Ak47 iyo rasaas hubka nuucyadiisa kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa muddo dheer waxa uu ka biyo diidsanaa inuu hub la siiyo Puntland, hase yeeshee cadaadis uu kala kulmay Ra’isul Wasaare Cabdiwali iyo Wasiirka Garsoorka Faarax Cabduqadir uu ugu dambeyn aqbalay in hubkaas laga raro bakhaar ku dhexyaal Xarunta Madaxtooyada.
Hubka ay Puntland raratay lama oga waxay ka damacsan tahay, hase yeeshee ila wareedyo muhiim ah waxay tibaaxeen inay duulaan ku yihiin Somaliland, si ay ula wareegaan gacan ku heynta Laascaanood iyo degaano ka tirsan gobolka Sool.
Madaxweynaha Somaliya maaha nin qadiyad adag leh, waxaana lagu bartay inuu dhaqankiisu yahay mid nugul oo ah labac labac ah.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe la heshiiyey Puntland, ayaa iminka ah ninka ugu awooda badan dowladda federaaalka, isaga oo taageero ka haysta, Kenya, Ethiopia iyo UNSOM iyo Nicholas Kay oo sidoo kale nin reer Puntland ah oo lagu magacaabo Nuuraddiin uu wax ka maamulo.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa