Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Waxbarashadd Oo Loo Magacaaba Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare Cali Xaamud Jibriil u magacaabay Wasiirka cusub ee xidiidhka Goleyaasha iyo Tiknoolajiyadda Somaliland.
 
 Warsaxafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-
 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2622/072014 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Madaxweynuhu:-
 
Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
 
Wuxuu go’aansaday
 
In Mudane, Cali Xaamud Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
Berbera news/Hargeysa